4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2014
Prof. Samatar: “Siyaasaddii Somali Weyn Waxaan kaga Tagay Qabiil”


Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ahaa xubnihii isku soo taagay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya sannadkii 2012 ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagay siyaasadii Soomaali-weyn  isagoo sabab uga dhigay qabyaalad.

Siyaasigan oo wareysi siinayay BBC-da toddobaadkii hore ayaa sheegay inuu weli ka mid yahay bulshada Soomaaliyeed, balse uu siyaasad ahaan ka tagay, isagoo xusay in qabyaaladdu ahayd wixii Soomaali burburiyay welina dabada la haysto.

“Anigu weli Soomaali ahay, balse siyaasaddeedii waan ka tagay, waxaana uga tagay qabiil iyo musuqmaasuq, baarlamaanka lasoo doortay hadda ee Muqdisho fadhiya wax walba oo kasoo baxa waxay u muuqdaan kuwo xoog ku leh qabiil, meel aan lagaa dhageysanayn, meel aad wixii aad waddno aan lagaa tixgelinayn, meel laga wado xisaabtii qaladay Somali lasoo celcelinayo halkaas ayaan kaga tagay siyaasaddii Soomaali weyn,” ayuu wareysigiisa ku yiri Prof. Samatar.

Sidoo kale, mar la weydiiyay su’aal ahayd in Somaliland ay tahay qabiil meel qabsaday in laga hayo ayuu ku sheegay inay taasi dacaayad tahay, taasoo uu sheegay inuu ku beeninayo in Somaliland lagu sheego inay tahay meel uu qabiil xoog ku haysto waa been, waxaana siddeed sano ka talinayay halkan qabiilka aan ka dhashay ee Samaroonta la yiraahdo, laakiin dacaayaddu way iska badan tahay, waxaana laga yabaa in waqtigan la oran karaan marka loo fiirsado xukuumadda dhisan in la yiraahdo qabiilka bartanka daggan ayaa qaatay taasi waa dhab, laakiin in la yiraahdo qabiil baa haysta taasi waxaan u arkaan inay dacaayad tahay.

Mar la weydiiyay su’aal kale oo ahayd in Prof. Samatar markii uu kusoo hun-goobay tii Muqdisho ayuu doonayaa inuu xilligan u ololeeyo inuu tii beeshiisa ay ku lahayd Somaliland uu u ololeeyo? Ayuu kaga jawaabay.

“Qofka marka uu da’ gaaro oo uu aqoonna leeyahay, xaq buu u leeyahay in uu siyaasadda meeshii uu doono ka galo. Damacuna xaaraan ma ahan, balse tan aniga i keentay ma ahan inaan madaxnimo ka raadsado Somaliland. Tan madaxnimada wixii ay dadkeygu ka yeelayaan iyaga ayay u tallaa. Tan kale, aniga waxaan ka mid ahaa 22-murashax oo xilka madaxnimo ee Soomaaliya isku sharraxay, aniga oo keliya ayaana u tagay 650,000 ee qoxootiga ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab, haddii aan madaxnimo uun doonayo Xamar uun baan iska fadhiyi lahaa oo maan tageen Dhadhaab, marka waxaan uga soo tagay Muqdisho waa inaan waayay meel aan u maro dadkii Soomaaliyeed si aan ugu biiriyo aqoontayda,” ayuu hadalkiisa ku daray Prof. Samatar.

Dhanka kale, wuxuu sheegay inuu ku laabtay dadkii uu lahaa yaan la goosan oo jooga, waxaan ugu soo laatayna waa inaan Muqdisho ka waayay qof aan ka dhaadhiciyo qadiyadooda xitaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Ugu dambeyn, waxaa la weydiiyay su’aal ahayd in Somaliland ay fiyow-dahay qabyaaladda iyo musuqmaasuqa uu sheegay inay Soomaaliya ka jiraan, ayuu kaga jawaabay: “Meel ay Soomaali joogto oo musuqmaasuq iyo qabyaaladi ka jirin anigu garan maayo. Haddii ay jirto meel aysan ka jirinna ma ogi mana jirto meel aan dhihi karo kama jiraan. Waxa qaybiilka keenayna waa badownimo iyo dad aan weli garan muwaadinnimada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya