4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2014
Puntland oo Amni xumada deegaanadeeda ku eedeysay Al Shabaab

Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Al-shabaab falalka ammaan xumo ee ka dhaca guddaha deegaannada ay ka taliso.

Taliyaha ciidanka difaaca Puntland, Jen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa hadal uu siinayay warbaahinta wuxuu ku sheegay in xilligan qaraxyada iyo falalka ammaan-darro ee waxyeellada geysanaya ee magaalooyinka Puntland ka dhaca ay yihiin kuwa ay ku lug leeyihiin Al Shabaab, balse indha-dheer loo yeelan doonno.

"Ammaanka Puntland xilligan waa mid wanagsan, ciidamadeennu xilli walba waa kuwo ku dadaallaya inay sugaan ammaanka, balse dhibaatada dalka ka dhacaya waxaa ka dambeeya waa Al Shabaab, Puntlandna waxay la qabaan  ummadda kale, balse ammaanka ciidamada ayaa shaqo ku leh, iyagaana indha-dheer u yeelanaya," ayuu yiri Jen. Siciid Dheere.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu hoosta ka xariiqay qaraxyo maalmo ka hor ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, isagoo xusay inay ka danbeeyeen kooxda nabadda kasoo horjeeda ee Al Shabaab, xilliganna ay socdaan baaritaanno la xiriira kooxdi qaraxyadaas ka dambeeyay.

"Nabadda Soomaaliya dad baa kasoo horjeeda, waxaana kuwo diidan nabadda, waana burcad diimeed, waxaana hadda socda baaritaanno la xiriira qaraxyadii dhawaan ka dhacay Gaalkacyo, waxaana rajeynaynaa in gacanta lugu soo dhigo ciddii dhibaatadaas geysatay," ayuu hadalkiisa ku daray.

Shacabka ayuu ugu baaqay Jen. Siciid Dheere inay ka dheeraaan goobaha qaraxyadu ka dhacaan si uusan u baahin khasaaraha ka dhasha.

Dhinaca kale, wuxuu soo hadal qaaday xoojinta ammaanka Garoowe oo maanta illaa caawa lagu wado inay ka dhacdo munaasabadda lugu caleemo-saarayo madaxda Puntland, wuxuuna caddeeyay in ciidadamada amnigu ay yihiin kuwo u diyaar garoobay ka hortaga khataraha.

Isku soo wada dubbo; hadalka taliyaha ciidanka difaaca Puntland Jen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), wuxuuna imaanayaa xilli maanta magaalada Garoowe ay marti-galinayso boqollaal wafuud ah kuwaasoo u badan madax.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya