4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2014
Madaafiic Khasaare Geystay oo lagu Garaacay Magaalada Muqdisho

Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Madaafiic ay Al-shabaab sheegtay inay ku weerartay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa qaarkood waxay dhaawac u geysteen dad rayid ah oo deggenaa xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir.

Dhowr madfac ayaa ku dhacay xaafado ay dad rayid ah daggan yihiin iyadoo ay ku dhaawacmeen afar qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen caruur ah halka labada kalena ay ahaayeen dumar.

Goobjoogaaal ayaa sheegay in dhowr madfac ay kusoo dhaceen xaafado kala duwan oo ku yaalla degmada Wadajir iyo agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, inkastoo aan la ogeyn inay garoonka ku dhaceen iyo in kale.

Bogagga taageera Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in duqeynta ay ahayd mid lagu weerayayo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayna ku dhaceen qaar ka mid ah madaafiicdaas, balse ma aysan sheegin in madaafiicdu ay khasaare geystay.

Waa markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay duqeyn la beegsato garoonka diyaaradaha Muqdisho, xili howlaha garoonka ay soo kordhayeen bilihii ugu dambeeyay.

Ma jiro hadal kasoo baxay maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo kan AMISOM oo lagu faahfaahinayo duqeymaha ay Al-shabaab sheegatay inay ku weerartay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerarro duqeyn ah la beegsatay goobo ay ka mid tahay madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo khasaare u geystay dad rayid ah oo ay ku habsadeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya