4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2014
Al-shabaab oo Howlgal ay dad ku Qabatay ka Sameysay Baardheere

Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa howlgallo ay ka sameysay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayay ku qabqabatay in ka badan 100-qof oo qaar ka mid ah lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dab la qabadsiiyay guryo ku yaalla degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in howlgallada ay sameeyeen ciidammo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, dadka la qabtayna ay u badan yihiin dad ka ganacsada jaadka oo horay kooxdu ay uga mamnuucday deegaannada ay ka taliso in lagu iibiyo.

“Dadka la qabqabtay tiradoodu waxay ka badan tahay boqol qof, waxaana loo haystaa inay ka dambeeyeen dab dhawaan la qabadsiiyay guryo ku yaalla degmadaas,” ayay yiraahdeen goobjoogayaal sababo ammaan awgood uga gaabsaday magacyadooda.

Al-shabaab ayaan iyadu weli ka hadlin howlgalka ay ka sameysay degmada Baardheere oo ka mid ah degmooyinka ay kaga sugan tahay gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii dab la qabadsiiyay guryo ku yaalla degmada Baardheere, iyadoo Al-shabaab ay ku eedeynayso inay arrintaas ka dambeeyeen ganacsatada Jaadka oo dhowr jeer laga gubay jaad ay ka keeneen dalka Kenya.

Dadka howlgalka lagu qabqabtay ayaa lagu hayaan saldhigyo ay Al-shabaab ku leedahay degmadaas, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ugu dambeeya ee ay kooxdu ka qaadanayso.

Gobolka Gedo ayaa laba degmo oo ka tirsan waxaa gacanta ku haysa Al-shabaab, kuwaasoo kala ah Baardheere iyo Buurdhuubo, iyadoo dhowr jeer la isku dayay in laga qabsado, balse lagu guul-darreystay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya