4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2014
Madaxweynaha oo ka hadlay Ciidanka Itoobiya ee ku biiray AMISOM


Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlya markii ugu horreysay ku biirista ciidamada Itoobiya ay ku biireen howgalka AMISOM, isagoo sheegay inay tahay arrin uu soo dhaweynayo.

Xasan Sheekh oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay ku sugnaayeen Soomaaliya iyagoo aan ka tirsanayn AMISOM, laakiinse ay xaaladani ka wanaagsan tahay xaaladdii hore ee ay dalka ku sugnaayeen.

“Ciidamada Itoobiya ku biirisitooda AMISOM waxay xoojinaysaa howlgalka looga horjeedo Al-shabaab oo uu sheegay inay yihiin koox dhibaatooyin ka wada deegaanno badan oo dalka ku yaalla,” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in horay la isugu raacay in ciidamada dalalka dariska ah aysn soo geli karin Soomaaliya, balse mar dambe arrintaas la bedelay.

“Qorshaha aan doonayno waa inaan qurxinno tariikhdii qarniyaasha badan u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo meelo xun-xun leh,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay ku xilliyeysan yihiin kuwa ka socda Midowga Afrika.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd in tani ay keeni karto in Al-shabaay ay qorato ciidammo badan oo u dagaalama, maadaama xasaasiyad laga qabto ciidanka Itoobiya ayaa sheegay inaysan jirin cid Al-shabaab u aragta inay wanaagsan yihiin.

“Al-shabaab waa dowlad la’aan, dal la’aan iyo nolol la’aan mana filayo inay jirto cid u arkaysa inay tahay koox wanaagsan. Al-shabaab waxay isugu jiraan Soomaali iyo ajnabi dalalkooda dambiyo kasoo galay oo la yiraahdo marka uu halkan yimaado waa amiir oo laga baqo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan wuxuu ka hadlay tirada golaha wasiirrada isagoo sheegay in sababta loo badiyay ay ahayd in la qanciyo beelaha Soomaaliyeed, wasiirradana ay yihiin rag iyo dumar karti u leh inay dalkooda iyo dadkooda u shaqeeyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya