4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2014
Khilaafka u dhexeeya Khaatumo oo dibadda u soo baxay (SAWIRRO)


Khamiis, Janaayo 23, 2014 (HOL) — Madaxweyne xilliyeedkii u dambeeyay ee maamulka Khaatumo, C/nuur Cilmi Qaaje (Biindhe) ayaa shaaciyay inay ku faraxsan yihiin maamulka cusub ee loo doortay Puntland, wuxuuna xusay inay noqon karaan kuwo horumar u horseeda maamulkaas.

Biindhe oo ka hadlaayay xaflad lagu qabtay magaalada Boocane oo 75-km ka xigta dhinaca bari magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa wuxuu caddeeyay inay jiraan khilaafaadyo soo kala dhex galay maamulkiisii taasoo uu sheegay inay sababeen aasaasayaashii maamulkaas.

"Waxaa soo baxday in wixii ay G11 keeneen Taleex ay ahayd mid aan waxba ka jirin ee ay ahay mid dadka Puntland lagaga soo jaraayay looguna riixayay Somaliland," ayuu yiri Biindhe, wuxuuuna intaas raaciyay inay caddeynteeda hayaan.

Biindhe wuxuu dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqay wadahadallada ka soconaya dalka Turkiga ee u dhexeeya Somalia iyo Somaliland inaanu ahay mid ay ka midaysan yihiin beelihii waqooyiga Soomaaliya ee Ingiriisku gumaysan jiray, waxaanu xusay inay xusuusnaadaan in maamulkiisu uu mar kasta ku dagaalamaayo midnimada ummadda Soomaaliyeed ee aanu taageerayn kala goyn iyo tafaraaruqa Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Ugaas C/llaahi Ciise Nuur oo halkaasi ka hadlay isaguna wuxuu wax lala yaabo ku sheegay mas’uuliyiin aan cidna talo la yeelan oo xitaa golaha dhaqanka aan waxba ogaysiin oo go'aan iska gaaraya, mar uu ka hadlayay aasaasayaashii maamulka Khaatumo.

Ugaasku waxa uu tacsi u diray dadkii ku dhintay magaalada Taleex wuxuuna maamulka cusub ee Puntland u rajeeyay inay mag-dhaw ka bixiyaan isagoo u rajeeyay iyaguna inay noqdaan kuwo horumar iyo nabad u keena dadka ku nool gobolladaas.

Waxaa iyaguna goobtaasi ka hadlay waxgarad badan oo isugu jira haween iyo odayaalba kuwaasoo eed dusha uga tuuray guddiga lagu magcaabo G11 oo ahaa asaasayaashii maamulka Khaatumo oo dhawaan soo saaray qoraal ay ku sheegeen inay xilkii kaga qaadeen madaxweyne Biindhe iyo Axmed Cilmi Cismaan "Axmed Karaash" oo ku xigeenkiisii ahaa, waxaanay dadkani ku eedeynayeen inay iyagu wixii ay dhiseen baabi’inayaan.

Munaasabaddan oo qayb ka ahayd xuska sannad-guurada labaad ee kasoo wareegtay aasaaska maamulka Khaatumo oo dhawaanahan meelo badan ka dhacaysay, iyadoo dadku ay walaac waeyn ka qabaan khilaafka u dhexeeya mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]

Laascaanood, Gobolka Sool