4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2014
Al-shabaab oo internet-ka Mobeylka ka jartay deegaanno ay ka taliso


Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Al-shabaab ayaa la sheegay in xalay internet-ka laga isticmaalo taleefoonnada gacanta lagu qaato ee Mobile-ka loo yaqaan ka jartay deegaannada ay ka taliso ee ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Dad ku sugan deegaannada Buulo-burte, Ceel-buur iyo Xarar-dheere oo ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay inay xalay waayeen faariintii muujinaysay Internet-ka taleefoonka, tan iyo xilligaasna ay ka maqan tahay.

Goobjoogayaal isugu jira howlwadeennada shirkadaha isgaarsiinta iyo dad ku sugan degmada Buulo-burte ayaa sheegay in xoogag hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ay xalay gudaha u galeen shirkadaha bixiya adeegaan ayna ku amareen shaqaalihii ku sugnaa inay hawada ka saaraan Internet-ka taleefoonnada laga isticmaalo.

Ilo wareedyo ka tirsan shirkadaha Isgaarsiinta ee bixiya adeeggan oo VOA-da laanteeda Af-Soomaaliga la hadlay ayaa sheegay inay maalmahan oo dhan jahwareersanaayeen oo ay garan waayeen go’aan ay ka qaataan amarka ay Al-shabaab soo saartay maadaama dowladda Soomaaliya ay uga digtay shirkadaha isgaarsiinta inay fuliyaan amarrada Al-shabaab ay kusoo rogtay isticmaalka Internet-ka.

Sidoo kale, ilaha shirkadaha ayaa sheegay inay fashilmeen isku dayo ay ku doonayeen inay Al-shabaab kaga dhaadhiciyaan inay amarkan ka laabato, balse ay xubno ka tirsan Al-shabaab u sheegeen inaan amarkan laga noqon karin oo uu yahay mid kasoo baxay madax ka sarreysa oo aanay carrabka ku dhufan.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda shirkadaha laga joojiyay in adeeggan ay bixiyaan, iyadoo maanta ay ku ekayd muddo 15-maalmood ah oo ay Al-shabaab u qabatay inay shirkaduhu ku joojiyaan adeeggan.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa kaddib markii Xarakada Al-shabaab ay soo saartay horraantii bishan amar ay ku sheegayso inay ka joojinayso gabi ahaan internet-ka laga isticmaalo taleefoonnada deegaannada ay ka taliso.

Al-shabaab ayaa amarkeeda ku sheegtay in ciddii ka dhego-adayga inay u hoggaansanto amarkan loo aqoonsan doono inay la shaqeeyaan cadowga Islaamka. Iyadoo kooxdan ay horay uga joojisay deegaannada ay gacanta ku hayso in lagu isticmaalo taleefoonnada gacanta ee Smartphone-ka loo yaqaan.

Go’aankan ay Al-shabaab ku joojisay adeeggan Internet ayaa imaanaya iyadoo maanta la shaaciyay in ciidamada Itoobiya ay si rasmi ah ugu biireen kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Dadka falanqeeyaya siyaasadaha Al-shabaab ayaa ku sheegay arrintan inay tahay mid laba ujeeddo midood leh, kuwaasoo kala ah inay kaga hortagayso weerarrada cirka ah ee laga fuliyo deegaannada ay gacanta ku hayaan iyo in ay kaga hortagayso duullaanada qorsheysan ee la doonayo in deegaannada ay ka taliyaan ay ku gaaraan ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa ay ka helaan taageerada ee ay Itoobiya ku jirto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya