4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2014
Samaafaraha oo Isgoysyo kale oo Muqdisho ku yaalla laga hirgeliyay

Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Benaadir iyo taliska ciidamada nabadgelyada waddooyinka Muqdisho oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay mar kale inay nalalka samaafaraha ka hirgeliyaan isgoysyo hor leh oo ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo kala ah isgoysyada Sayidka iyo Dabka.

Taliyaha ciidanka nabadgelyada waddooyinka Muqdisho, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), afhayeenka gobolka Benaadir Maxamed Yuusuf  iyo mas’uuliyiin kale ayaa howlo kormeer ah ku tagay labadaas isgoys, iyadoo u kuurgalay sida ay wadayaasha gaadiidka ula soconayaan amarrada samaafaraha uu bixinayo.

Afhayeenka gobolka Benaadir, Maxamed Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa shegay sheegay in maamulka gobolka uu qorsheynayo in isgoysyada kale ee magaalada laga hirgelin doono samaafarayaal si ay gaadiidka iyo dadweynaha u kala hagaan.

Taliyaha ciidanka nabadgelyada waddooyinka Jen. Cali Gaab ayaa isaguna u sheegay warbaahinta in wadihii u hoggaansami waaya nalalka samaafaraha ee lagu rakibay isgoyska magaalada Muqdisho laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Maamulka gobolka ayaa horay uga hilrgeliyay nalalka samaafaraha isgoysyo ku yaalla magaalada, taasoo qeyb ka ah tallaabooyinka dhanka horumarka ah ee ay ku talaabsaneyso caasimada dalka.

Inkastoo nalalkan ay horay khalad sababay inay isku dhacaan gaadiid dhowr ah ay u sababeen ayaa haddana maamulka iyo taliska ilaalada waddooyinka waxay sheegeen in taxadar badan la sameyn doono si aanay khaladaadkaas oo kale u dhici lahayn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya