3/7/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2014
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee HRW oo Eedeyn u jeedisay Kenya


Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Ha’yadda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch (HRW) ayaa ku eedeysay xukuumadda Kenya inay beegsatay Soomaalida qoxootiga ku ah dalkeeda, kaddib weerarkii Westgate Mall oo 21-kii September sannadkii hore.

Hay’adda ayaa warbixin sanadeedkeeda ku sheegtay oo soo baxay shalay ku sheegtay in xukuumadda Nairobi ay ku kacdsay tan iyo markii ay xilka kala wareegtay xukuumaddii ka horeysay xadgudubyo dhinaca xuquuqda aadanaha ah.

Xukuumadda Kenya ayaa lagu eedeeyay inay sannadkii hore culeys weyn saartay qoxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku nool sida inay ku goodisay inay xirayso xeryaha ay dadkaas ku jiraan uguna baqday qoxootiga inay dib ugu laabtaan dalkoodii, kaddib markii ay qoxootiga ku eedeysay inay mas’uul la yihiin amni-darrada Kenya ka taagan.

Sidoo kale, HRW waxay sheegtay in qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool ay dhibaato la kulmaan mar walba oo Kenya ay qulqulad ka dhacdo, iyagoo xusay in dadka Soomaaliyeed si gaar ah loo beegsado, iyadoo lagu xusay warbixinta in booliiska Kenya ay si xun ugu dhibaateeyen Soomaali badan howgallo ay ka sameeyeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi 2012 iyo 2013.

“Bulshada Soomaaliyeed markiiba ma soo sheegin saameyn aargoosi ah oo ay kala kulmeen weerarkii lagu qaaday Westgate Mall, laakiin waxaa jiray warbixinno isugu jira xarig iyo baad ay booliska ka sameeyeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi bilihii November iyo Oktoobar sannadkii hore 2013,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Warbixinta hay’adda waxaa sidoo kale lagu sheegay in bulshada rayidka ah lagu hayo cadaadis, iyadoo la dilay sannadkii hore ruux u dhaqdhaqaaq xuquuqd aadanaha, dhowr kalena loo hajabay.

"Bishii September laba xubnood oo bulshada rayidka ah una dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo kala ah Maina Kiai iyo Gladwell Otieno ayaa waxaa u hanjabay taageerayaasha madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkiisa dalka Kenya iyagoo ugu baaqay inay faraha kala baxaan dacwadda labadan mas’uul uga socota ICC," ayaa warbixinta lagu yiri.

Warbixintu waxay xukuumadda ku eedeeyay inay joojisay xiriirkii ay horay ula lahayd maxkamadda caalmiga ah ee ICC iyo ballanqaadkii ahaa inay la sameyn doonto iskaashi maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka oo ay kiisas dacwo ah kaga furan yihiin madaxda dalkaas ugu sarreysa.

HRW ayaa dib u eegis ku sameysay xuquuqda aadanaha 90 oo caalamka ku yaalla, kuwaasoo ay ku jirto Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay weli dhibaatooyin dhinaca cadaaladda iyo nabadda ahi jiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/22/2014 1:28 PM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Danjirihii hore ee Mareykanka u fadhiyay Itoobiya, David Shinn ayaa walaac ka muujiyay in ciidanka Itoobiya ay ku biiraan xilligan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo tallaabadan ku tilmaamay mid khalad ah.

1/22/2014 1:26 PM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Al-shabaab ayaa la sheegay in xalay internet-ka laga isticmaalo taleefoonnada gacanta lagu qaato ee Mobile-ka loo yaqaan ka jartay deegaannada ay ka taliso ee ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

1/22/2014 9:51 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Ciidamada Ethiopia ayaa si rasmi ah maanta loogu wareejiyay amaanka gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, kaddib xaflad ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay sida uu sheegay Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad.

1/22/2014 9:01 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Barkhad Cabdi oo ah jilaa Soomaaliyeed kuna soo can-baxay filinkii Captain Phillips oo ah filin ay duubtay shirkadda Hollywood-ka ayaa ka hadlay dareenkiisa la xiriira inuu ka mid yahay aktarada sanadkan u sharaxan billadda Oskarka oo xafladeeda la qaban doono dhawaan.

1/22/2014 8:47 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xoghayaha guud ee Hay’adda NRC Norwegian Refugee Council, Jan Egeland oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

1/22/2014 8:23 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra'iisul wasaarihiisa C/weli Sheekh Axmed Maxmed ayaa sheegay in dowladooda ay ka go’an tahay inay Al-shabaab oo ka talisa deegaanno fara badan ay cagta marin doonaan kana saari doonaan dhammaan deegaanada ay ka taliso.

1/22/2014 7:46 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Benaadir iyo taliska ciidamada nabadgelyada waddooyinka Muqdisho oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay mar kale inay nalalka samaafaraha ka hirgeliyaan isgoysyo hor leh oo ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo kala ah isgoysyada Sayidka iyo Dabka.

1/22/2014 7:38 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Kalfadhigii labaad ee golaha Akadeemiye goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) ayaa ku qabsoomay 15 illaa 16-kii bishan Janaayo 2014-ka magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, iyadoo laga soo saaray go’aammo wax ku ool ah.

1/22/2014 7:16 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Wasiirarda cusub ee golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu hordhaariyay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhaarinta ay goobjoog ka ahaayeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaarihiisa C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo kulanka shir-guddoominayay.

1/22/2014 6:17 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Wasiirka caafimaadka iyo fayadhowrka maamulka Jubba Xasan Daahir Yaroow ayaa Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo kulan isbarasho ah kula qaatay qaar kamid ah hay’adaha samafalka ee ka howlgalada degmada Kismaayo.

1/22/2014 6:03 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biiray maanta oo Arbaco ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, si loo xoojiyo dagaallada lagula jiro Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

1/22/2014 1:55 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Ha’yad maxalli ah oo ka howlgasha Kenya laguna magacabo WARDO ayaa indho fiiqis u sameysay qoxootiga ku jira xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya iyo Kenyanka ku nool deegaannada ku dhow-dhow xeryaha Qoxootiga.

1/22/2014 12:51 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka hadlay wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland iyo weliba shirkadaha ammaanka ka shaqeeya ee ku sugan Muqdisho.