4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2014
Madaxweynaha oo soo dhaweeyay Ansixinta golaha Wasiirada cusub

Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhaweeyey ansixintii golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Baarlamaanka ayaa maanta u codeeyay si aqlabiyad ahna ku ansixiyay xukuumada cusub ee uu ra’iisul wasaare, Cabdiweli Sheekh Axmed soo dhisay maalmo ka hor, kuwaasoo tiradoodu tahay 55-xubnood oo isugu jira wasiirro, ku xigeenno iyo wasiir u dowlayaal.

“Waxaan soo dhaweynayaa isla markaana ammaanayaa sida mas’uuliyadda ku jirto ee dimuqraadiyada ah ee baarlamaanku u ansixiyeen wasiirada. Tani waa tallaabo dhanka horumarka loo qaaday oo ay tahay shaqsi walba inuu soo dhaweeyo. Ansixintan golaha wasiirada oo matala dhammaan shacabka Soomaaliyeed ahna danta shacabka ayaa waxay shacabka iyo caalamkaba tuseysaa in hay’adaheenna dowliga ah ay yihiin kuwo mas’uuliyada ballaaran ee saaran u gudan kara si muhiim ah,” ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

Sidoo kale, madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxaa hadda lama huraan ah in xukuumadda cusub ay billowdo howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Waxaana horyaalla caqabado badan, hase ahaatee Soomaalidu waxay ka sugayaan in horumar laga sameeyo dhan walba.”

Mudane Xasan Sheekh ayaa hadalka uu soo saaray ku sheegay in golaha cusub ee wasiirrada looga fadhiyo inay goobaha ku haray gacanta kooxda Al-Shabaab ay ka saaraan dalka oo dhanna ay nabad kusoo dabaalaan.

“Goobaha cusub ee soo gala gacanta dowladda waa in la gaarsiiyaa gebi ahaan adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada. Waana in laga billaabo qaadista canshuuraha oo gun-dhig u ah dib-u-habeynta iyo maareynta maaliyadda, si aan dalka ugu horseedno soo kabasho dhanka dhaqaalaha ah iyo horumarka guud,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu hadalkiisa ku sheegay in  baarlamaanka uu horyaallo ka doodista dib u eegis lagu sameeyaan isla markaana ay soo saaraan shuruucda muhiimka u ah dowladnimada iyo dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya