4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2014
Baaq ku saabsan Nabadeynta beelihii ku dagaalamay gobolka Hiiraan

Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Xilli la qaban-qaabinayo gogol nabadeen oo loo fidiyo beellihii ku dagaallamay dhawaan deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, ayeey ku baaqeen guddigga nabadeynta beellaha dirirtu dhaxmartay in aan la carqaladeynin dadaallada la doonayo lagu soo afjaro colaada.

Nabadoon Cabdi Sheekh Faarax oo ah guddoomiyaha guddiga ku howlana dhax-dhaxaadinta labada belleedo ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odayaasha labada dhinac in ay ka fogaadaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara in khilaafka jira lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgarad.

’’Waxaan ka codsaneynaa waxgaradka labada belleed meel kasta oo ay joogaan in ay nabada taageeraan, colaad iyo dagaal wax faa'ido ah oo ku jira malaha, ujeedada howshan aynu ku jirno aan ka leenahay oo kaliya waa bulshadaas walaalaha ah la nabadeeyo, lagana fogaado dagaal danbe oo dhaca,’’ ayuu yiri Cabdi Sheekh Faarax.

Waxaa uu sheegay in safaro is daba joog ah oo ay ku tageen deegaannadii ay dagaallada ka dhaceen ee Kabxanley iyo Deeofow ku qanciyeen dhinacyada iska soo horjeeda in ay colaada joojiyaan kana wada –hadallaan wixii khilaaf ah ee jira, dhawaanna loo ballaan-san yahay in la dhigo magaalada Beledweyne  gogol nabadeen oo looga wada hadlayo  asalka colaada si hishiis kama danbeys ah loo gaaro.

Colaada deegaanka Kabxanley oo mudo dheer soo jiitameysay ayaa ku saleysan khilaaf ka dhashay lahaasha ama milkiyada deegaannka oo dhinac walba gaar u sheeganayo, waxana marar badan dhacay dagaalo ay ku nafwaayeen tiro dad ah.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa horay u sheegay in aan loo dul-qaadan doonin dagaallo danbe oo ka dhaca deegaannadaas, isaga oo ugu baaqay dhinacyda iska soo horjeeda in wixii khilaaf ah ay ku dhameeyaan wada hadal.

Nabad-galyada deegaannada ayaa waxaa hadda gacanta ku haya ciidammo gaar ah loogu talagalay in ay ammniga sugaan oo la dajiyay goobihii lagu dagaallamay.

C/raxmaan Diini, Hiiran Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya