4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2014
Qaraxyo Khasaarooyin kala duwan geystay oo ka dhacay Gaalkacyo

Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa goor-dhow ka dhacay labo qarax oo is-xiga, waxayna dhaliyeen khasaare isagu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyadan waxay ka dhaceen Waqooyiga Gaalkacyo gaar ahaana jidka laamiga ah ee u dhaxeeya suuq lugu magacaabo Barwaaqo iyo Isbitaalka GMC ee magaalada.

Jidka laamiga ah ayay qaraxyadu ka dhaceen, waxaan markii hore la maqlay dhawaaqa qaraxa, markiiba waxaa goobta ku yaacay shacabkii ka agdhawaa daqiiqad kaddib ayaa haddana waxaa dhacay qarixii labaad.

Saddex qof ayaa ku dhimatay qaraxyadan illaa toddobo ruux oo kalana way ku dhaawacmeen. Qaraxyadan waxaa ay ahaayeen nooca meelaha fog fog laga hago.

Saraakisha caafimaadka iyo dad goobta ka agdhawaa oo goor dhaweyd la hadlay HOL ayaa sheegay geerida saddexda ruux iyo dhaawaca toddobada kale, waxaana dhaawacyada qaraxyadan la gaarsiiyey isbitaalka guud ee gobolka Mudug.

Xilligan isbitaalka guud waxaa ku sugan maamulka gobolka Mudug kan degmada saraakiisha ammaanka gobolka, waxaana la filaya goor-dhow inay saxaafadda la hadlaan.

Faahfaahinta goor dhow kala soco HOL.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya