4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2014
Maxaa Sabab u ah Hoos u dhaca Falalka Burcad-badeedda Somalia?


Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Intaan ka hadlin hoos u dhaca ku yimid falalka kooxaha burcabdeedda Somalia ay kusoo qafaalan jireen maraakiibta shisheeye, bal aan xoogaa tab-taabanno dhibaatooyinka ay burcadbadeeddu abuureen. Waxaaan Xaqiiqo ah in saameyn weyn ay ku yeesheen nolosha iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed.

Burcad-badeeddu waxay is hor taageen maraakiibta ganacsi ee imaanayay Soomaaliya taasoo sababtay sicir barar xoog leh soo wajahaha ummadda Soomaaliyeed, ka gadaal markii shirkadaha maraakiibta ganacsi leh ay sare u qaadeen lacagihii lagu kireyn jiray maraakiibta soo aadaysa Soomaaliya iyadoo ganacsatadiina ay qiimo kordhin ku sameeyeen shacabka horayba ula daalaa dhacayay colaado joogto ah iyo abaaro soo laalaabtay.

Dhibaatooyinkii ay keeneen kooxaha burca-badeedda waxay saameyn weyn ku yeesheen maraakiibtii ay soo rartaan hay’adaha samafalka kaddib markii deegaano badan ee Soomaaliyeed oo mucaawino la geyn lahaa ay ka baqeen maraakiibtu inay Soomaaliya u soo qaadaan gargaraka; waxayna taasi keentay in dad fara badan oo macluul la il-darnaa ay sidaas naftooda khatar ku gasho, waxay kaloo kooxaha burcad badeedda ah sicir bararkii ugu darnaa ku rideen dadka dega deegaannada ay marakiibta afduubka ah ku haystaan kaddib markii lacago fara badan oo maraakiibta ay ka qaateen ay ku harqiyeen magaalooyinkaas.

Sidoo kale, kooxaha burcad-badeedda ah waxay saameyn ku yeesheen dhinaca arrimaha dhaqanka iyo anshaxa ummadda Soomaaliyeed iyagoo ku beeray deegaannada qaarkood dhaqano xun-xun oo khilaafsan diinteena iyo dhaqankeenna qaaliga ah. kooxdan ayaa dumiyay qoysas badan oo horay u dhisnaa; kuwaasoo saamayn ku yeeshay xaaladaha ay burcad-badeeddu la yimaadeen, sida isticmaalka daroogaada oo deegaannadaas aan horay looga aqoon, sidoo kale waxay sababeen cudurro halis ah oo ay u faafiyeen si toos ah iyo si dadban labada.

Haddii aan u soo degno dulucda qoraalkeenna dhibaatooyinkaas ay kooxaha burcadbadeedda u gaysteen Soomnaaliya iyo caalamka inteesa kale ayaa sanadkii tagay ee 2013-kii waxaa hoos u dhac uu ku yimid falalkii gurracnaa ee burcad-badeeda kusoo afduuban jireen maraakiibta maraya xeebaheenna Soomaaliya, sidoo kale warbixin ay soo saartay hay’adda badmareennada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in sannadba sannadka ka dambeeya ay si aad ah hoos uga sii dhacayeen howlaha afduubka maraakiibta xeebaha iyo badaha Soomaaliya.

Ururka caalamiga ah ee bad-mareennada ee loo yaqaano IMP ayaa sheegay in sannadkii tagay ee 2013-ka uu hoos u dhac ku yimid falalkii burcadnimo ee ka dhici jiray xeebaha Soomaaliya iyo biyaha caalamiga ah, warbixintaas ay soo saartay hay’adda IMP ayaa lagu xusay in falalka bucadnimo ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya uu hoos u dhacay 40% marka loo eego sannadkii 2011-kii. Sidoo kale warbixinta ayaa lagu xusay in laba doonyood oo kaliya lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya sannadkii tegay, iyadoo isla maalintiiba la sii daayay, waxayna IMP intaasi ku dartay in arrintan ay astaan u tahay inay hoos u dhaceen falalka burcad-badeedda ee ka dhici jiray xeebaha Soomaaliya, iyadoo la xusay in 15 fal ay ka dhaceen xeebaha Soomaaliya sannadkii tagay, kuwaasoo hoos uga dhacay 75% marka loo eego sannadkii 2012-ka ee ka horreeyay.

Dhanka kale, IMP waxay kaloo nitaas ku dartay inay sii yaraanayso cabsidii laga qabay xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan maraakiibtii ganacsiga ee mari jiray badaha Soomaaliya, waxay kaloo ururku sheegay inuu ka wel-welsan yahay xaalada ay ku sugan yihiin maraakiibta weli gacanta ugu jira kooxaha burcad-badeedda ah iyo shaqaale gaaraya 50 xubnood kuwaasoo kooxahani ay ku hayaan cabsi-gelin iyo jir-dil joogto ah, iyagoo ka doodanay inay iska bixiyaan lacago madaxfurasho ah.

Waxyaabaha kale ee hoos u dhaca u keenay burcad-badeedda ayaa lagu sheegay kaddib markii wacyi-gelin ballaaran lagu sameeyay isla markaana dhallinyaro fara badan oo kooxdaas ka tirsanaa ay isaga soo baxeen kaddib markii ay heleen wacyigelin iyo talooyin ku aaddan dhibaatada burcad-badeednimdu ay leedahay. Sidoo kale waxaa hoos u dhigay wacygelin ay sameyeen culumaa’uddiinka Soomaaliyeed kuwaasoo qiimo ku leh bulshada dhexdeeda isla mrkaana loo dhega nugul yahay waanadooda.

Kooxha burcad-badeedda ah ayaa waxaa gacanta ugu jira wariye u dhashay dalka Mareykan oo lagu magacaabo, Michael Scott kaasoo muddo sannad ka badan gacanta ugu jira kooxahan iyagoo ku doonaya madaxiisa malaayiin doollar oo madaxfursho lacageed ah. Waxaana wariyaha oo fariin soo diray ayaa yiri: “Waan cabsanayaa waxaan dareemayaa welwel badan, waxaan mar kasta khatar ugu jiraa inay i dilaan kooxaha aan u afduubanahay; waxaan codsanayaa in la iga sii daayo kooxahan.“ Michael Scott ayaa laga afduubay horraantii sannadkii tagay Koonfurata magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, wuxuuna Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ka codsadey in laga sii daayo kooxah burcad-badeedka ee gacanta ku haya.

Ugu dambeyn, hoos u dhaca falalka burcadbadeednimo waxaa kaloo qayb ka qaatay qalabka warbaahinta qaybahooda kala duwan oo door weyn ka ciyaaray sidii loo dhameyn lahaa mashaakilka burcad-badeedda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya