4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2014
FOA oo Soomaliya ku Taageraysa Lacag lagu Hormarrinayo Xoolaha

Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) — Hay’adda cuntada iyo beeraha  adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa lacag dhan 120 million oo dallar ku taageeraysa Soomaaliya sanadkan aynu ku jirno si loo hormariyo beeraha, xoolaha nool iyo waliba cuntada.

“Waxaan doonaynaa inaan  hubino heerka cunto ee dalkan si looga hortago wax kasta oo keeni kara nafaqo darro,” ayuu yiri Luca Alinovi oo ah wakiilka hay’addaas u qaabilsan Soomaaliya oo la hadlayay Xinhua.

Lacagtan qayb kamid ah waxaa lagu hormarin doonaaa kalluumaysiga, inkastoo hay’adda ay diiradda saarayso xoolaha nool oo iyadana lagu bixi doono lacag dhan ilaa iyo 20 milyan oo dallar si kor loogu soo qaado.

“Somalia waa dalka ugu hodonsan xoolaha nool marka loo eego Qaaradda Afrika, waxaana ay carabaha u dhoofiyaan xoolo sanadaha qaar lagu qiyaaso shan Milyan oo neef ,“ ayuu hadalkiisa ku daray Alinovi.

Sidoo kale  masuulkan ayaa tilmaamay  in ay dhiira-galinayaan cid kasta oo  maal-gashi ku samaynaysa dhinacyada xoolaha iyo Kalluumaysiga ,isagoo so hadal qaaday in fursadahaas ay hoos u dhigi karaan waxyaabaha Somalia ay dibadaha iyo wadamada dariska ah kala soo dagto.

“Dad badan aya u dhintay abaartii Soomaaliya ku dhuftay sanadkii 2011-ka marka waa in laga hortagaa khatarahaas si aysan u soo laaban,“ ayuu mar kale yiri Luca oo soo dhaweeyay cid kasta oo ka qayb-qaadanaysa taageerada dhinacyada bini’aadanimo ee Koonfurta dalka.

Ugu danbayntii  hay’adda FAO ayaa hadda meelo ka mid ah dalka ka wadda qorshayaal lagu hubniyo amniga deeqaha bini’aadinimo ee Somaaliya ay ka hesho beesha caalamka, waxaana lacagtan loogu deeqay Soomaaliya ay noqonaysaa tii ugu badnayd oo ay hesho  muddo sanado ah

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]