3/7/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2014
Qorshaha Xukuumadda oo loo Qaybiyay Baarlamaanka (SAWIRRO)



Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta loo qaybiyey qorshaha xukuumadda cusub -ee uu maalmo kahor soo magacaabay- Ra'iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed. Xildhibaannada ayaa fursad loo siiyey muddo 24saac ah oo ay qorshaha xukuumadda kusoo eegayaan iyagoo maalinta xigtana ka doodi doona.

Fadhiga Golaha Baarlamaanka ee maanta oo ahaa fadhiga 57-aad ee kal-fadhiga sadexaad waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari. Mudane Jawaari ayaa ugu horreyn isaga oo ku hadlaya afka baarlamaanka wuxuu ka tacsiyeeyey geerida -AHN- Qareen Xasan Sheekh Ibraahim oo shalay dalka Maraykanka ku geeriyoodey.

Guddoomiyaha ayaa intaas kaddib amray in xildhibaannada loo qaybiyo dukumiintiga uu ku qoran yahay qorsaha xukuumadda, isagoo sheegay in ay muddo hal maalin ah haystaan si ay ugu soo indho-indheeyaan iyagoo maalin kaddibna ka doodi doona.

Mudane Jawaari ayaa soo jeediyey in xildhibaannadu ay qorshaha xukuumadda koox koox isula soo akhriyaan, haseyeeshee xildhibaannada ayaa iyaguna dhankooda soo jeediyey in ay mid mid usoo akhristaan, ra'yigaas oo Afhayeenka Goluhu uu aqbalay si weynna usoo dhoweeyey.

Dhanka kale, waxaa intii uu maanta socdey kulanka 57-aad ee kal-fadhiga saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya la dhaariyey xildhibaan cusub oo kusoo biiray Golaha, xildhibaankaas oo lagu magacaabo Dr Maxamed Aadan Waaberi.

Berri oo Talaado ah ayey xildhibaannada baarlamaanku ka doodi doonaan qorshaha xukuumadda cusub ee Ra'iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed uu soo dhisay 17-kii bishan aynu ku jirno ee Janaayo, iyagoo maalinta xigta ee Arbacadana codka kalsoonida u qaadi doona xukuumadda cusub.

Kal-fadhiga saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo xirmi doona marka codka kalsoonida loo qaado xukuumadda. Dadka siyaasadda Soomaaliya ka faallooda ayaa saadaalinaya in Baarlamaanku uu codka kalsoonida siin doono golaha wasiirrada ee Ra'iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya














Click here
1/20/2014 10:08 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Magaalo madaxda dalka Kuwait ee Kuwait waxaa kusoo dhammaaday shir muddo labo maalmood ah soconayey oo ay yeesheen baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

1/20/2014 9:58 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) — Kulan uu shir guddoomiye ka ahaa duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ay wehliyeen ku xigeennadiisa ayaa lagu qabtay maanta xarunta maamulka gobolka Banaadir, kaasoo looga hadlayay adkeynta ammaanka.

1/20/2014 9:41 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) — Hay’adda cuntada iyo beeraha adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa lacag dhan 120 million oo dallar ku taageeraysa Soomaaliya sanadkan aynu ku jirno si loo hormariyo beeraha, xoolaha nool iyo waliba cuntada.

1/20/2014 6:18 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Kaddib markii shalay la shaaciyey in burcad-badeedka Soomaalidu ay afduubteen markab ganacsi oo marayey Badda Cas, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxda weerarka geysatay aanay burcad-badeed ahayn.

1/20/2014 4:43 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa ku casuntay dowladda Iiraan inay kasoo qayb gasho shirka Geneva II, shirkaas oo looga arrinsanayo xaaladda dalka -ay dagaallada sokeeye ka soconayaan- ee Suuriya iyo weliba sidii dalkaas dowlad kumeel gaar ah loogu sameyn lahaa.

1/20/2014 3:37 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) — Baarlamaanka dalka Afrikada Dhexe ayaa maanta oo Isniin ah dooranaya madaxweyne si kumeel gaar ah dalkaas usii hoggaamiya, xilli ay sii soconayaan rabshadaha uu dhiigga badani ku daatay ee u dhexeeya dadka Muslimiinta ah iyo kuwa kale ee haysta diinta Kiristanka.

1/20/2014 2:51 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, Maxamed Axmed Nuur Tarsan, ayaa sheegay in qorshe la'aanta dhanka dhismaha ee magaalada Muqdisho ay si aad ah u caawiso kororka fal-dambiyeedyada iyo weliba ammaan xumida.

1/20/2014 2:05 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba, waxaa ka socota xaflad ballaaran oo lagu caleema saarayo madaxda maamulkaas, xafladdaas oo loogu magac daray Daah-furka Jubbaland.

1/20/2014 1:30 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Waxaa maanta Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya la horkeeni doonaa barnaamijka siyaasadeed iyo qorshaha ay ku shaqeyn doonto xukuumadda cusub ee uu dhowaanta soo dhisay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed.