Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2014
Madaxweyne kumeel gaar ah oo loo dooranayo Afrikada Dhexe
Isniin, Janaayo
20
, 2014 (HOL) —
Baarlamaanka dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa maanta oo Isniin ah dooranaya madaxweyne si kumeel gaar ah dalkaas usii hoggaamiya, xilli ay sii soconayaan rabshadaha uu dhiigga badani ku daatay ee u dhexeeya dadka Muslimiinta ah iyo kuwa kale ee haysta diinta Kiristanka.
In ka badan 24 qof oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah oo horay dalkaas xilal kala duwan ugasoo qabtay ayaa isu soo taagay xilka madaxweynaha, haseyeeshee guddiga doorashada oo shuruudo adag la yimid ayaa guddoomay araajida siddeed murashax oo keliya.
Shuruudaha murashaxiinta lagu xiray waxaa kamid ah: in aanu isa soo sharrixi karin qof horay ula soo shaqeeyey madaxweynihii dhowaan xafiiska banneeyey ee Michel Djotodia, qof hoggaamiye u ah mid kamida axsaabta siyaasadeed ee dalkaas ka jirta, sarkaal ka tirsan ciidamada iyo qof jamhad fallaago ah ka tirsanaa labaatankii sano ee lasoo dhaafay.
Rabshadaha diinta ku saleysan ee ka soconaya Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad
70
qof tan iyo Jimcihii lasoo dhaafay. Shalay oo Axad ahayd, waxaa goob fagaare ah iyaga oo nool lagu gubay labo nin oo muslimiin ahaa kuwaas oo dadka dabka qabadsiiyey ay sheegeen inay horay tagsiile kiristan aha u dileen.
Xaaladda ayaa ah weli mid kacsan, waxaana xilligan dalkaas ku sugan ciidammo nabad-ilaaliyeyaal ah oo ay tiradoodu
s
han kun kor u dhaafeyso,
ciidamadaas
oo ka kala socda dhowr dal oo Afrikaan ah iyo dalka Faransiiska
oo isagu horay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe usoo gumeys
tay.
Midowga Yurub saraakiil u hadlay ayaa sheegay in wax ka qabashada xaaladda dalka Afrikada Dhexe aan lagu fiirsan doonin Faransiiska oo qura, balse dhowaan Midowga Yurub uusoo diri doon
o
500 oo askari, kuwaas oo si gaar ah u sugi doona ammaanka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda Bangui.
Rabshadaha ka soconaya Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa soo bilowday bishii March ee sanadkii tegey, markaas oo fallaagada Seleka oo Muslimiin u badani ay soo galeen caasimadda Bangui, kaddibna ay geysteen falal isugu jirey dil, dhac iyo kufsi.
Arrintaas ayaana
keentay in mileeshiyaad iskood isu abaabulay oo u b
adan bulshada kiristanka ahi ay iyaguna
geystaan gabood-fallo ay sheegeen in ay
yihiin kuwo ay
ugu aar gudayaan dadk
a laga laayey.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Soomaaliya oo ka Qayb-gashay Shirkii Baarlamaannada Carabta
1/20/2014 10:08 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Magaalo madaxda dalka Kuwait ee Kuwait waxaa kusoo dhammaaday shir muddo labo maalmood ah soconayey oo ay yeesheen baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid Culummada oo Kulmay
1/20/2014 9:58 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) — Kulan uu shir guddoomiye ka ahaa duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ay wehliyeen ku xigeennadiisa ayaa lagu qabtay maanta xarunta maamulka gobolka Banaadir, kaasoo looga hadlayay adkeynta ammaanka.
FOA oo Soomaliya ku Taageraysa Lacag lagu Hormarrinayo Xoolaha
1/20/2014 9:41 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) — Hay’adda cuntada iyo beeraha adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa lacag dhan 120 million oo dallar ku taageeraysa Soomaaliya sanadkan aynu ku jirno si loo hormariyo beeraha, xoolaha nool iyo waliba cuntada.
Qorshaha Xukuumadda oo loo Qaybiyay Baarlamaanka (SAWIRRO)
1/20/2014 7:01 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta loo qaybiyey qorshaha xukuumadda cusub ee uu maalmo kahor soo magacaabay Ra'iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed. Xildhibaannada ayaa fursad loo siiyey muddo 24saac ah oo ay qorshaha xukuumadda kusoo eegayaan iyagoo maalinta xigtana ka doodi doona.
EU: “Burcad-badeedku ma qabsan markabka MV Marzooqah”
1/20/2014 6:18 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Kaddib markii shalay la shaaciyey in burcad-badeedka Soomaalidu ay afduubteen markab ganacsi oo marayey Badda Cas, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxda weerarka geysatay aanay burcad-badeed ahayn.
Qaramada Midoobay oo Iiraan ku casuntay shirka Geneva II
1/20/2014 4:43 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa ku casuntay dowladda Iiraan inay kasoo qayb gasho shirka Geneva II, shirkaas oo looga arrinsanayo xaaladda dalka -ay dagaallada sokeeye ka soconayaan- ee Suuriya iyo weliba sidii dalkaas dowlad kumeel gaar ah loogu sameyn lahaa.
TARSAN: " waa muhiim in la qorsheeyo dhismaha Muqdisho"
1/20/2014 2:51 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, Maxamed Axmed Nuur Tarsan, ayaa sheegay in qorshe la'aanta dhanka dhismaha ee magaalada Muqdisho ay si aad ah u caawiso kororka fal-dambiyeedyada iyo weliba ammaan xumida.
Madaxda Maamulka Jubba oo maanta la caleema saarayo
1/20/2014 2:05 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba, waxaa ka socota xaflad ballaaran oo lagu caleema saarayo madaxda maamulkaas, xafladdaas oo loogu magac daray Daah-furka Jubbaland.
Qorshaha xukuumadda cusub oo maanta lasoo gudbinayo
1/20/2014 1:30 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Waxaa maanta Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya la horkeeni doonaa barnaamijka siyaasadeed iyo qorshaha ay ku shaqeyn doonto xukuumadda cusub ee uu dhowaanta soo dhisay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed.
Somali News
Seasonal Migration Frustrates Ethiopia’s Family Planning
-
IPS
1/20/2014 10:18 PM EST
DOLLO ADO, Ethiopia, Jan 20 2014 (IPS) - Yohamin Kesete, 32, and her six children live in Dollo Ado, a pastoralist community in Ethiopia’s drought-stricken Somali Region. But this is not where you will always find them.
S. Korea marks 3rd anniversary of Somali pirate operation
-
Yonhap
1/20/2014 10:01 PM EST
BUSAN (Yonhap) -- The South Korean Navy on Tuesday carried out a combat search and rescue operation as it celebrated the third anniversary of the rescue of Korean sailors from Somali pirates near the Gulf of Aden.
UN Envoy lauds for the inauguration of the Interim Jubba Administration
-
HOL
1/20/2014 5:21 PM EST
With the interim Jubba administration inaugurated today, the Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia (SRSG), Nicholas Kay, has vehemently lauded for the establishment of the Executive Council of the Interim administration whose leader was elected just over 8 months ago.
Somalia lost well known law expert
-
HOL
1/20/2014 5:09 PM EST
Somalia is mourning for the death of Ex-lawyer Hassan Sheik Ibrahim popularly known as Hasey who passed away in the US state of Virginia, outside Washington DC early on Sunday morning. The death of the late Hasey was announced by his son Maaweel during an interview with the VAO Somali service on Monday.
French navy free Indian crew, arrest five suspected pirates
-
AFP
1/20/2014 2:13 PM EST
PARIS (AFP) - A French navy ship intercepted a hijacked dhow off the coast of Oman, arresting five suspected pirates who had taken hostage an all-Indian crew, French defence officials said Monday.
Somali-American Aid worker killed in Afghanistan
-
AP
1/20/2014 6:39 AM EST
HAMTRAMCK, Mich. -- A Somalia-born woman who came to Michigan for higher education was among the 21 people who were killed in a Taliban attack on a popular restaurant in the Afghan capital of Kabul last week.
Somalia, Somaliland sign 'talks' deal
-
Daily Nation
1/20/2014 5:10 AM EST
The Federal Government of Somalia and the self-declared Republic of Somaliland signed an accord, reports from Turkey have confirmed.
Somali pirate hijacking? Or did Eritrean military board vessel?
-
seatrade global
1/20/2014 4:20 AM EST
There are conflicting reports as to Somali pirates have successfully hijacked their first merchant vessel since 2012, or that it was boarded by Eritrean armed forces.
Interview: FAO to boost efforts to improve food security in Somalia: envoy
-
Xinhua
1/20/2014 3:11 AM EST
The Food and Agriculture Organization (FAO) will spend approximately 120 million U.S. dollars in Somalia in 2014 in order to improve the nation's food security, the UN food agency's local representative told Xinhua.
Somali woman living in Willmar can't get her husband into U.S.
-
Star Tribune
1/20/2014 3:05 AM EST
Hundreds of Somalis are struggling to get their families reunited in the United States.Amina Awnur is in Willmar. Her husband is in limbo.For four years, Awnur has been trying to get U.S. authorities to allow her husband to come to Minnesota from Kenya. He has repeatedly gone to the U.S. Embassy in Nairobi with documents, but officials tell him they need more.