4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2014
TARSAN: " waa muhiim in la qorsheeyo dhismaha Muqdisho"
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, Maxamed Axmed Nuur Tarsan, ayaa sheegay in qorshe la'aanta dhanka dhismaha ee magaalada Muqdisho ay si aad ah u caawiso kororka fal-dambiyeedyada iyo weliba ammaan xumida.

Tarsan ayaa warkan sheegay mar uu shalay furayey shir looga hadlayo horumarinta Muqdisho oo muddo labo maalmood ah socon doona, isagoo intaas ku daray in dadka geysta falalka ammaanka liddiga ku ahi ay inta badan gabbaad ka dhigtaan xaafadaha isku raranka ah.

"...dadka tuugada ah iyo kuwa amni darrada sameeya, meelaha ugu fiican ee ay galaan waa meelaha iskor saaran ee aan jidadka lahayn, meelaha xashka ah ee mugdiga ah weeye" Tarsan ayaa sidaas yiri isagoo intaas raaciyey " sabab maxaa u ah? qorshe xumada magaaladaa u ah!...Qorsheynta magaaladu amniga door bay ku leedahay waa inaan sidaas u fahannaa..."

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Nuur Tarsan, ayaa kula dardaarmay dadka wax dhisanaya inay xil iska saaraan bilicda iyo sidii ay magaaladu qaab fiican ugu dhismi lahayd.

Ugu dameybtii, wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay qabyaaladda ka fogaadaan, una hoggaansamaan sharciga, isagoo tilmaamay in dadku marka ay waajibaadkooda kasoo baxaan ay heli karaan dhammaan xuquuda ay dowladda ku leeyihiin.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilihii u dambeeyey wadey olole ballaaran oo kor loogu qaadayo bilicda magaalada Muqdisho, iyadoo ay taas barbar socotey dayactir lagu sameynayo dhismeyaashii dowladda iyo qaar kamid ah jidadka waaweyn ee muhiimka ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya