3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2014
TARSAN: " waa muhiim in la qorsheeyo dhismaha Muqdisho"
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, Maxamed Axmed Nuur Tarsan, ayaa sheegay in qorshe la'aanta dhanka dhismaha ee magaalada Muqdisho ay si aad ah u caawiso kororka fal-dambiyeedyada iyo weliba ammaan xumida.

Tarsan ayaa warkan sheegay mar uu shalay furayey shir looga hadlayo horumarinta Muqdisho oo muddo labo maalmood ah socon doona, isagoo intaas ku daray in dadka geysta falalka ammaanka liddiga ku ahi ay inta badan gabbaad ka dhigtaan xaafadaha isku raranka ah.

"...dadka tuugada ah iyo kuwa amni darrada sameeya, meelaha ugu fiican ee ay galaan waa meelaha iskor saaran ee aan jidadka lahayn, meelaha xashka ah ee mugdiga ah weeye" Tarsan ayaa sidaas yiri isagoo intaas raaciyey " sabab maxaa u ah? qorshe xumada magaaladaa u ah!...Qorsheynta magaaladu amniga door bay ku leedahay waa inaan sidaas u fahannaa..."

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Nuur Tarsan, ayaa kula dardaarmay dadka wax dhisanaya inay xil iska saaraan bilicda iyo sidii ay magaaladu qaab fiican ugu dhismi lahayd.

Ugu dameybtii, wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay qabyaaladda ka fogaadaan, una hoggaansamaan sharciga, isagoo tilmaamay in dadku marka ay waajibaadkooda kasoo baxaan ay heli karaan dhammaan xuquuda ay dowladda ku leeyihiin.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilihii u dambeeyey wadey olole ballaaran oo kor loogu qaadayo bilicda magaalada Muqdisho, iyadoo ay taas barbar socotey dayactir lagu sameynayo dhismeyaashii dowladda iyo qaar kamid ah jidadka waaweyn ee muhiimka ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya












Click here
1/20/2014 10:08 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Magaalo madaxda dalka Kuwait ee Kuwait waxaa kusoo dhammaaday shir muddo labo maalmood ah soconayey oo ay yeesheen baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

1/20/2014 9:58 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) — Kulan uu shir guddoomiye ka ahaa duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ay wehliyeen ku xigeennadiisa ayaa lagu qabtay maanta xarunta maamulka gobolka Banaadir, kaasoo looga hadlayay adkeynta ammaanka.

1/20/2014 9:41 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) — Hay’adda cuntada iyo beeraha adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa lacag dhan 120 million oo dallar ku taageeraysa Soomaaliya sanadkan aynu ku jirno si loo hormariyo beeraha, xoolaha nool iyo waliba cuntada.

1/20/2014 7:01 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta loo qaybiyey qorshaha xukuumadda cusub ee uu maalmo kahor soo magacaabay Ra'iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed. Xildhibaannada ayaa fursad loo siiyey muddo 24saac ah oo ay qorshaha xukuumadda kusoo eegayaan iyagoo maalinta xigtana ka doodi doona.

1/20/2014 6:18 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Kaddib markii shalay la shaaciyey in burcad-badeedka Soomaalidu ay afduubteen markab ganacsi oo marayey Badda Cas, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxda weerarka geysatay aanay burcad-badeed ahayn.

1/20/2014 4:43 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa ku casuntay dowladda Iiraan inay kasoo qayb gasho shirka Geneva II, shirkaas oo looga arrinsanayo xaaladda dalka -ay dagaallada sokeeye ka soconayaan- ee Suuriya iyo weliba sidii dalkaas dowlad kumeel gaar ah loogu sameyn lahaa.

1/20/2014 3:37 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) — Baarlamaanka dalka Afrikada Dhexe ayaa maanta oo Isniin ah dooranaya madaxweyne si kumeel gaar ah dalkaas usii hoggaamiya, xilli ay sii soconayaan rabshadaha uu dhiigga badani ku daatay ee u dhexeeya dadka Muslimiinta ah iyo kuwa kale ee haysta diinta Kiristanka.

1/20/2014 2:05 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba, waxaa ka socota xaflad ballaaran oo lagu caleema saarayo madaxda maamulkaas, xafladdaas oo loogu magac daray Daah-furka Jubbaland.

1/20/2014 1:30 AM EST
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Waxaa maanta Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya la horkeeni doonaa barnaamijka siyaasadeed iyo qorshaha ay ku shaqeyn doonto xukuumadda cusub ee uu dhowaanta soo dhisay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed.