Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Waxaa maanta Golaha Baarlamaanka ee
Soomaaliya la horkeeni doonaa barnaamijka siyaasadeed iyo qorshaha ay ku
shaqeyn doonto xukuumadda cusub ee uu dhowaanta soo dhisay ra’iisul wasaare
C/weli Sheekh Axmed.
Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka oo
shalay kulan yeeshay ayaa shaaciyey in maanta oo Isniin ah xildhibaannada
baarlamaanka loosoo gudbin doono qorshaha xukuumadda cusub.
Muddo hal maalin ah ayaa xildhibaanada
fursad loo siinayaa inay kusoo indho-indheeyaan qorshaha xukuumadda cusub, sida
uu sheegay Xog-hayaha
Guud ee Baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Cabdi Buux.
Soo gudbinta qorshaha xukuumadda ayaa imaanaya xilli ay hal maalin oo keliya ka harsan tahay toban maalmood oo horay
ra’iisul wasaaruhu uu baarlamaanka uga codsaday in ay ugu kordhiyaan waqtiga uu
kusoo magacaabayo golihiisa wasiirrada.
Xukuumadda cusub oo tiro ahaan aad uga
badan middii uu hoggaaminayey ra’iisul wasaarihii kalsoonida laga laabtay ee
Saacid, waxay ka kooban tahay 25 wasiir, 25 wasiir ku-xigeen iyo 5
wasiiru-dowle.
Ra’iisul wasaaraha -todobaadyo kahor
lasoo magacaabay- ee C/weli Sheekh Axmed iyo golihiisa wasiirrada ee weli aanay
baarlamaanku meel marin, waxaa hor yaalla hawlo adag oo ay ugu horreeyaan:
sugidda ammaanka iyo horumarinta adeegyada bulshada gaar ahaan caafimaadka iyo
waxbarashada.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya