4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2014
Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay nin dhaawacay Shiikh caan ah

Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Booliiska Somaliland ayaa sheegay inay u taxaabeen xabsiga nin tooreey ku dhaawacay Sheekh Maxamed Haybe oo ka mid ah culummada Somaliland, xilli uu kasoo baxay habeen hore muxaadaro ku saabsanayd dhalashada Nebi Muxammed (NNKH) oo uu ka jeedinayay masaajid ku yaalla magaalada Hargeysa.

Ninkan oo aan la garanayn ujeeddaadiisa ayaa laba meelood ka dhaawacay Sheekha iyadoo dhaawaca Sheekha la dhigay mid ka mid ah isbitaallada Hargeysa halkaasoo haatan lagu daweynayo.

Taliye ku xigeenka booliiska Somaliland, Jen. C/raxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay in dhaawacyada loo geystay Sheekha Maxamed Haybe ay yihiin kuwo fudud haddana ay ku socoto daweyn.

“Ruuxii dhaawaca u geystay Sheekha gacanta ayaan ku haynaa waxaana weydiinaynaa su’aalo ku saabsan sababta keentay inuu dhaawco Sheekh Maxamed Haybe,” ayuu yiri taliye ku xigeenka Somaliland oo aan bixin faahfaain intaa ka badan.

Booliisku ma sheegin magaca ninka geystay dhaawaca Sheekha; balse taliye ku xigeenka ayaa hadalkiisa ku daray in marka ay soo gunaanadaan su’aalaha ay ruuxan ay u gudbin doonaan maxkamad magaalada Hargeysa.

Inkastoo aysan ahay markii ugu horreysay oo dad lagu dhaawacyo xilliyo habeen ah magaalada Hargeysa ayaa haddana dadka ku nool Hargeysa ayaa aad u hadal-haya arrintan, iyagoo isweydiinaya sababta keentay in ninkan uu toorey ku weeraro wadaadka.

Sheekh Maxamed Haybe ayaa noqonaya wadaadkii ugu horreeyay oo lagu dhaawaco magaalada Hargeysa, mana jirto wax hadal ah oo uu Sheekhu siiyay warbaahinta tan iyo markii la dhaawacay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya