4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2014
Dowladda Somalia iyo Somaliland oo heshiis kala saxiixday (Sawirro)


Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia iyo Somaliland ayaa heshiis hordhac ah maanta ku kala saxiixday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, kaddib wadahadallo saddex maalmood qaatay oo ay halkaas ku yeesheen.

Heshiiska ayaa waxaa qodobbadiisa ka mid ah in lasii wado wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland in saddex bilood oo kasta ay mar kulmaan labada dhinac, kulanka afaraadna la isugu soo laabto muddo 90-maalmood gudahood ah.

Qodobbada heshiiska ayaa waxaa ka mid ah: In wadajir ah loo cambaareeyo dhibaatadii ay geysatay dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya. Waxaa kaloo lagu heshiiyay qariidad sharraxeysa habka uu wadahadalku kusii socon doono, In qodobbada lagu heshiiyay sida ay u kala fudud yihiin loo kala hor-mariyo iyo kuwo kale.

Saxiixa heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa danjiraha Turkiga u jooga dalka Somalia, Kamaaluddiin Kani Turan, iyadoo markii saxiixu dhacay lagu duceystay goobta, waxaana wafdiyada labada dhinac ay ammaaneen kaalinta ay Turkigu kaga jiraan wadahadallada.

Wasiirka amniga Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeeddada dowladda Soomaaliya ay ka leedahay wadahadallada ay tahay sidii lagu qancin lahaa Somaliland ahmiyadda ay leedahay midnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo wafdiga ka socda Somaliland hoggaaminayay ayaa sheegay in wadahadalladu ay u dhaceen qaab aad u wanaagsan, isla markaana aanay jirin wax reebaya in la wadahadlo.

Inkastoo labadan dhinac ay gaareen heshiiskan hordhaca ah ayaa haddana waxaa hadallada ay jeediyeen labada mas'uul ee wafdiyada kala hoggaaminayay laga dareemayay inay weli ku kala aragti duwan yihiin labada dhinac sida loogu dhawaaqa qodobbada lagu heshiiyay iyo wixii laga wadahadlay.

Kulankan ayaan looga hadlin haba yaraateen gooni isku-taagga Somaliland, iyadoo sidoo kale aan weli gacanta loo gelin saxaafadda qoraalka uu heshiiska ay gaareen oo dhincyadu ay saxiixeen.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya