4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2014
Prof. Cali Max'ed Geeddi oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo (Sawirro)


Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Wafdi ballaaran oo uu horkacayo ra'isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof: Cali Max'ed Geedi ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaraha magaalada Kismaayo, iyadoo wafdigan uu kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Wafdigan oo ay kamid ahaayeen ganacsato, xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya iyo siyaasiyiin kale ayaa waxa ay u yimadeen si ay uga qeybqaataan munaasibadda caleemosaarka madaxweeynaha maamulka Jubba Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe), taasoo la filayo in ay dhacdo maalinta berito ah.

Wafdigan ayaa markii uu kasoo dagay garoonka waxaa soo dhaweeyay madax ay kamid yihiin madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubba Jen C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), wasiirro ka tirsan maamulka Jubba iyo masuuliyiin kale.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Shir jaraa'id oo masuuliyiinta maamulka Jubba iyo wafdigii uu hogaaminayay Prof: geedi ay ku wada qabteen gudaha garoonka diyaaradaha KIsmaayo ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubba Jen. Fartaag, waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay wafdigan ballaaran ee uu hogaaminayo ee maanta soo gaaray Kismaayo.

Intaa kadib ayaa waxa isna goobta ka hadlay Ra'isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof: Cali Max'ed Geedi, kaasoo sheegay in uu ku faraxsanyaay in uu maanta kasoo dago Kismaayo, isagoo sheegay in uu ka qeybqaadan doono xafladda caleemo saarka madaxweeynaha maamulka Jubba ee dhici doonta maalinta berito ah.

Sidoo kale goobta ayaa waxa ka hadlay Xildhibaan Naasir Macalim Cartan oo katirsan baarlamanka Kenya oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ku faraxsanyahay in uu maanta soo caga dhigto Soomaaliya isagoo sheegay in uusan weligii iman Soomaaliya oo ay tahay markii ugu horeeysay, wuxuuna xusay in uu u yimid in uu ka qeybqaato caleemosaarka madaxweeynaha maamulka Jubba.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in magaalada ay Kismaayo ay soo gaaraan maalinta berito ah wufuud ka kala iman Doonta Muqdisho iyo Garoowe.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya