4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2014
Bandow lagu soo Rogay Magaalada Kismaayo iyo Ma’suul ka Hadlay

Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta lagu soo rogay bandow, iyadoo la joojiyay gabi ahaan isku socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga guud ee magaalada.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Jubba, Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo ka hadlay bandowgan ayaa sheegay inuu socon doono labada maalmood ee soo socota, isagoo uga digay gaadiidka rayidka inay maraan waddooyinka waaweyn ee magaalada.

“Kismaayo waxaa la saaray badow laga billaabo maanta illaa labada casho ee soo socota, waxaana sababta bandowga uu yahay sidii lagu adkeyn lahaa ammaanka magaalada inta ay socoto xaflad lagu caleemo saarayo Sheekh Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha maamulka Jubba oo berri dhacaysa,” ayuu yiri wasiirka oo la hadlay HOL.

Sidoo kale, waxaa wasiirku uu sheegay in ciidamadii laga saaray magaalada ee tababarka loo furay dib loogu soo celiyay magaalada si ay uga qayb-qaataan sugidda amniga guud ee magaalada inta xafladdu socoto.

Jidadka waaweyn ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu arkayaa askar iyo ciidamada gaadiidka oo keliya, waxaana xiran dhammaan ganacsiga magaalada, iyadoo dadkuna ay ku sugan yihiin guryahooda.

Dhanka kale, garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa goor-dhow kasoo dagay wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Cali Maxamed Geeddi oo ka yimiddalka Kenya, iyadoo la sugayo wufuud kale oo qaarkood ay ka imaanayaan Puntland.

Maalinta berri ah oo ay bishan ku beegan tahay 20 ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Kismaayo xaflad weyn oo lagu caleemo-saarayo Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo qabanqaabada xafladdana si weyn loo dareemayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya