4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2014
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Maanta soo gaaray Gaalkacyo

Axad
, Janaayo 19, 2014 (HOL) —
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa goor dhow soo gaarey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiim C/laahi Cumar (Camey).

Wafdiga madaxweyne ku-xigeenka waxaa ku jira qaar kamid ah isimmada sida weyn loo tix geliyo iyo waxgaradka gobolka Mudug; siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka  iyo saraakiil ciidan.

Boqollaal dadweyne ah oo ruxaya calammo iyo caleemo qoyan; mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacayo; qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka gobolka ayaa wafdiga Mudane Camey kaga hortegey meel magaalada Gaalkacayo dhowr kiilo mitir waqooyiga kaga beegan.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa ayaa saacadaha soo aadan ka duuli doona garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo iyaga oo ku wajahan xarunta maamulka Jubba ee Kismaayo. Inta ay magaalada Gaalkacayo ku sugan yihiin, waxay kulammo la qaadan doono maamulka, wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug.

Waa markii ugu horreysey ee C/xakiim C/laahi Camey uu magaalada Gaalkacayo soo gaaro tan iyo markii loo doortay madaxweyne ku-xigeenka Puntland [Janaayo 8, 2014]. Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isna dhowaan lagu wadaa in uu booqasho ku tago gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Gaalkacayo.

Faah faahin ku saabsan booqashada madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee degmada Gaalkacayo iyo sawirradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya