4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2014
Weriye caan ah oo ka tirsanaa Telefishinka BBC-da oo geeriyoodey
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) —Waxaa magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ku geeriyoodey weriye caan ahaa oo ka tirsanaa BBC-da qaybta layska arko ee la hadasha caalamka.

Weriyahan oo lagu magacaabi Jirey Komla Dumor wuxuu u dhashay dalka Ghana, wuxuuna BBC-da ka shaqeynayey tan iyo sanadkii 2007, isagoo tebin jirey barnaamijka Focus on Africa.

Madaxa qaybta wararka caalamka ee BBC-da  Peter Horrocks ayaa xaqiijiyey geerida Komla Dumar, isagoo xusay inuu halyey u ahaa saxaafadda Afrika aadna loogu hiloobi doono.

" waxaa ka go'nayd in wax walba oo Afrika ka jira uu usoo gudbiyo sida ay yihiin..." Peter Horrocks ayaa yiri.

Dhanka kale, madaxweynaha dalka Ghana John Dramani Mahama ayaa ka tacsiyeeyey geerida Dumor isagoo boggiisa Twitter-ka kusoo qoray farrriin marka Soomaali loo rogo uu micneheedu noqonayo sidan:

" qarankeenu wuxuu waayey mid kamid ahaa dan-jireyaashiisa caalamka...Komla Dumor wuxuu ahaa weriye tayo leh oo Ghana ay hadiyad ahaan caalamka u siisay"

Komla Dumor oo ku geeriyoodey da'da 41-jir waxaa la sheegey inuu u dhintay xanuun dhanka wadnaha ah oo si kedis ah ugu soo boodey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya