4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2014
Ganacsatada Puntland oo Baaq u Diray Madaxda Cusub (SAWIRRO)

Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) —Kulan ay isugu yimaadeen ganacsatada reer Puntland oo ka dhacay Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha Puntland ee magaalada Boosaaso, ayaa waxaa si diirran loogu soo dhoweeyey islamarkaana hambalyo loogu diray madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha ee Puntland, waxaa kasoo qayb galay maamulka sare ee Rugta, tobannaan kamid ah ganacsatada waaweyn ee sida weyn looga yaqaan dhammaan deegaanada Puntland iyo marti-sharaf kale oo badan.


Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha ee Puntland Siciid Xuseen Ciid oo ugu horreyn goobta ka hadlay, ayaa hambalyo u diray Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku-xigeenka C/xakiim C/laahi Cumar Camey.

Siciid Ciid ayaa intaas kaddib sheegay in ganacsigu uu yahay laf-dhabarta dhaqaalaha dal walba, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay in dowladdu ay si joogto ah ugu dadaasho sidii uu ganacsigu u fududaan lahaa.

" muddooyinkii u dambeeyey ganacsigu si ayuu u dhutinayey, qoraallo badan oo talo soo jeedin iyo cabasho ahina way nasoo gaareen...dowladdu waa inay fududeysaa wax walba oo ganacsiga horumarkiisu uu ku jiro..." Ciid ayaa yiri.

Ganacsato badan ayaa iyaguna goobta ka hadlay, waxayna dhammaantood isku raaceen in ganacsiga Puntland uu dhowrkii sano ee ugu dambeeyey ahaa mid caga jiid badani uu ku jiro, waxayna ugu baaqeen madaxda cusub ee dhowaanta la doortay in ay is-beddel la yimaadaan.




Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya