4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2014
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta xukuno kala duwan ridday


Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) — Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta ku ridday xukunno kala duwan eedeysanayaal loo haystay dambiyo kala duwan; kuwaasoo saddex ka mid ah lagu xukumay dil toogasho.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Maxamed Xasan Nuur ayaa maxkamadda ka hor-akhriyay magacyada eedeysanayaasha iyo dacwooyinka loo haystay, isagoo xusay in dacwoyinkan ay soo socdeen muddo toddoba bilood ah.

Eedeysanayaasha la xukumay ayaa waxaa ku jiray ruux dil iyo dhaawac u geystay nin iyo xaaskiisa, kaddib markii uu baasiin ku bilbilay dabadeena dab qabadsiiyay.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur ayaa ku dhawaaqay go’aanka maxkamaddu gaartay, kaddib doodo adag oo dhexmaray xeer ilaalinta maxkamadda iyo qareennadii u doodayay dadka lasoo eedeeyay.

“Maxkamaddu markii ay dhageystay dacwooyinka eedeysanayaasha waxay gaartay go’aan ah in: dil toogasho laug xukumo, Cabdi Xuseen Abuukar oo dilay marxuum Maxamed Ibraahim Xaaji, C/casiis Isgow Xuseen oo isla dilay  Qadiijo Sheekh Cali iyo Buube Maxamed Muuse oo dilay Maxamed Yacquub Geeseey,” ayuu yiri Xaashi Cilmi Nuur.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in eedeysanayaasha kala ah:
Jabruun Caddow Raage iyo Axmed Cali Xasan lagu xukumay min saddex sano oo xabsi ah iyo saddex malyan oo ganaax ah, kaddib markii lagu helay inay sameyeen fal anshax-xumo ah.

Maxamed Maxamuud Maxamed oo isaguna eedeysayaasha ka mid ahaa ayaa lagu xukumay afar sano oo xabsi ah, iyadoo maxkamaddu ay sii daysay hal ruux oo wax dambi ah lagu waayay, iyadoo shan qof oo kale dib loo dhigay dacwooyinkooda, kuwaasoo la sheegay inaan markhaatiyaan ku filan loo helin dacwooyinka loo haysto.




Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya