4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2014
Hay’ado kormeeray deegaanadii lagu diriray ee G/Hiiraan (SAWIRRO)


Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo xubno ka socday hay’addaha samafalka ayaa kormeer ku tagay deegaannaddii dhawaan lagu dagaallamay ee gobolka Hiiraan.

Dagaalladdii ka dhacay deegaannada Kabxanley iyo Deefoow ayaa sababay barakaca qoysas markii horeba dan -yar iska ahaa, kuwaasoo oo xiligan ay la soo darseen daruufo dhinaca nolasha ah.

Mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan oo uu horkacayay guddoomiyaha gobolka Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sidoo kale waxaa socodaalka ku wehlinayay xubno ka tirsan hay’addaha samafalka sida DRC, Save The Children iyo hay’addo maxali ah oo ay ka mid ahaayeen WARDI iyo NGO-ga MGV.

Qoysaskan ayaa la sheegay in xoogooda ay ku barakaceen dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaannka Kabxanley, oo sida ay mas’uuliyiinta maamulka sheegeen sida ugu dhaqsiyaha badan dib u dajin loogu sameyn doono.

Guddiga dib-u-hishiisiinta beelliihii ku dagaallamay deegaannadaas, ayaa ugu baaqay maamulka dowladda iyo hay’addaha samafalka in ay dhaqse u gargaaraan dadka ay saameeyeen dagaallada.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay in  wixii awood ah oo ay leeyihiin isugu geyn doonaan siddii loo gargaari lahaa dadka dhibaateysan, isaga oo ku booriyay waxgaradka iyo odayaasha deegaannada la booqday in ay ka shaqeeyaan marka hore nabad-galyada.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo xubnaha ka socda hay’addaha samafalka ay booqday una kuur-gallay xaaladda tuulada lagu magacaabo Jeereey oo dadka ku dhaqan yihiin kuwo intooda badan ku tiirsan dacbashada beeraha, laakiin waayadii ugu danbeeyay ka cabanayay daruufo dhinaca nolasha ah.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa todobaadyadii ugu danbeeyayba ku howlanaa nabadenta beellihii horay ugu dagaallamay deegaannka Kabxanley iyo waliba sidii loo gargaari lahaa dadka dhibaateysan ee ku barakacay dagaalladii dhacay oo hadda u muuqda kuwa laga hishiiyay.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya