Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2014
Gurmadka dadkii Roobabku Cayreeyeen oo soo idlaaday (SAWIRRO)
Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) —Waxaa soo gaba gaboobay ololihii xoola
ha
loogu uruurinayey dadkii reer guuraaga u badnaa ee ku cayroobey duufaannadii ka dhacay Puntland iyadoo xoolo gaaraya 11kun oo neef loo qaybshay qoysas gaaraya 656 kuwaasi oo xaadir ahaa halka lagu qaybinayay xoolaha oo ah duleedka degmada Qarxis oo ka tirsan gobolka Nugaal.
Xafladda lagu soo afmeerayey ololaha xoolo qaybinta, waxaa kasoo qayb galay culimaa'uddiinka, mas'uuliyiinta ugu sareeya dowladda Puntland, madaxweynihii hore, isimmo, cuqaal, ganacsato iyo dhamaan dadka Deegaanka Qarxis.
Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah guddoomiyaha guddiga loo xil saaray qaybinta xoolaha, ayaa sheegay in gurmad ururinta ay bilaabeen maalintii musiibadu dhacday oo ku beegnayd 11-11-2013 ayna soo gabagabeeyeen 17-1-2014 "12kii iyo 13kii December ee sanadkii aynu soo dhaafnay isla meeshaan meel ku dhaw waxaa lagu qaybiyay ari 15-800 oo Neef ah (shan iyo toban kun iyo sideed boqol oo neef ah) arigaasi waxaa loo qaybiyay qoysas gaaraya 672 iyadoo 516 ka mid aha la siiyay neefaf gaaraya 50, 156 ka mid ah qoysaskaasna la siiyay ilaa 60 Neef,sidoo kale bishan bilowgeedii waxaa raashin culimada kasoo gaaray dalka Kuwait loo qaybiyay qoysas gaaraya 3000 oo reer, Maanta Wajigii 2baad ayaanu isugu nimid inaan qaybino Ari gaaraya 10,835 neef" Sheekh Maxamuud ayaa yiri.
Sheekh Daahir Aw-Cabdi ayaa ka mid ahaa sidoo kale culimadii madasha ka hadashay, sheekhu wuxuu ka sheekeeyey waddadii loo soo maray in xoolahan loo qaybiyo dadka u baahan, wuxuuna aamaan gaar ah usoo jeediyay Hay’ada Alminhaaj oo barnaamijkan kaalinta 1aad kaga jirtay hirgelintiisa, wuxuu sidoo kale xusay in culimadu ay weli ka dhursugayaan ballan qaadkii dowladda Soomaliyeed ee ahaa in ay hal milyan soo gaarsiin doonto dadkii ku cayroobey roobabkii qabowga iyo dabeylaha watey.
HALKAN KA DA
AWO SAWIRRO BADAN
Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Islaan Ciise Islaam Maxamed ayaa meesha ka duceeyey iyagoo dadka xoolaha loo qaybiyey ugu baaqay in ay iimaansadaan intii ay heleen, waxay sidoo kale u mahadceliyeen culimada gaar ahaan hay'adda khayriga ah ee Alminhaaj, wasaaradaha ka qayb galay iyo dhammaan intii gacan ka geysatey.
Madaxweynihi hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo madasha ka hadlay, wuxuu sheegay in hawlihi la qabtay ay xukuumadiisu horseed ka ahayd culimaduna ay kaalin fiican ka qaateen, maadaama ay iyagu mas'uul ka ahaayeen qaybinta iyo ururinta deeqaha ku socda dadka ay duufaantu cayraysey ee ka imaanayey gobollada dalka iyo guud ahaan caalamka.
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo xafladda soo xiray ayaa ku ammaanay Madaxweynihii hore go’aankii uu qaatay xilligii gurmadka uu socday isagoo amar ku bixiyay inaan dadka laga soo barakicin deegaanada ay joogaan ee loo sameeyo xoolo-goyn iyo dib-u-dajin fikirkaas oo noqday fid dhaqan galay si weynna loosoo dhoweeyey.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Gabdho u Shaqeynayay Hay’ad Samafal oo lagu Qafaaashay G/Bay
1/18/2014 2:24 PM EST
Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) — Saddex gabdhood oo u shaqeynayay hay’adda maxaliga ah ee GREDA oo wada-shaqeyn la leh hay’adda NRC ayaa maanta lagu qafaashay deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee gobolka Bay.
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta xukuno kala duwan ridday
1/18/2014 10:29 AM EST
Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) — Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta ku ridday xukunno kala duwan eedeysanayaal loo haystay dambiyo kala duwan; kuwaasoo saddex ka mid ah lagu xukumay dil toogasho.
Haween kasoo Horjeestay habka loo Magacaabay Golaha Wasiiradda
1/18/2014 9:25 AM EST
Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) — Kulan maanta ka dhacay xarunta ururka horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee SWDC oo ay ka qaybagleen qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa looga soo horjeestay qaabka loosoo magacaabay golaha wasiirada cusub ee Soomaaiya.
Shacabka Jubbooyinka oo Aragtiyo kala ka bixiyay Golaha Wasiirada
1/18/2014 9:04 AM EST
Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) — Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed uu ku dhawaaqay golihii cusub ee wasiirada ayaa waxa isa soo tarayay aragtiyo kala duwan oo ay shacabka Soomaaliyeed ka dhiibanayeen Tirada wasiirada cusub ee lagu dhawaaqay, iyadoo qaar kamid ah dadka ay soo dhaweeyeen halka qaar kalena ay dhaliileen.
Hay’ado kormeeray deegaanadii lagu diriray ee G/Hiiraan (SAWIRRO)
1/18/2014 8:58 AM EST
Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo xubno ka socday hay’addaha samafalka ayaa kormeer ku tagay deegaannaddii dhawaan lagu dagaallamay ee gobolka Hiiraan.
Colaad ka Taagnayd Gobolka Sool oo heshiis laga gaaray (SAWIRRO)
1/18/2014 2:29 AM EST
Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) — Waxaa maalmahan ka socday waqooyiga gobolka Sool dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo beelo uu dagaal ku dhex-maray deegaanka Docolaha, iyadoo lagu guuleystay in heshiis laga gaaro colaaddaas lana kala qaado ciidamadii dagaalamay.
Gaas oo sheegay inay dowladda ka sugayaan lacagtii ay balanqaaday
1/18/2014 2:00 AM EST
Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa hadal uu jeedinayay ku sheegay inay wali Puntland ka dhowrayso dowladda faderaalka Soomaaliya ballan-qaadkii halka milyan ee doollar ahaa oo ay u ballanqaadday Puntland markii deegaanno ka mid ah Puntland ay ku dhufatay duufaanta sannadkii hore.
Wasiir ku Xigeen Shaaciyay in uu iska Casilay Xilka loo Magacaabay`
1/18/2014 1:59 AM EST
Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) — Mas’uulkii labaad oo ka tirsan wasiirrada cusub ee xukuumadda Somalia ayaa shalay gellinkii dambe ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka loo magacaabay oo ah wasiir ku xigeen.
Somali News
Internet usage thrives in Somalia
-
AU/UN IST News
1/18/2014 10:17 AM EST
Billboards advertising Internet services dot the thoroughfares in Somalia’s capital, Mogadishu. Businesses, schools, non-governmental organizations and public institutions are increasingly reliant on the Internet and this hasn’t boded too well with the insurgent group, al Shabaab.
The killing field: Extraordinary images of Al-Shabaab's Somali stadium of death
-
Independent
1/18/2014 9:57 AM EST
The gunmen were determined to drain every last drop of blood for the land they were being forced to cede in the heart of Somalia's capital, Mogadishu.
Parliament extends motion to send naval forces to Gulf of Aden
-
Todays Zaman
1/18/2014 9:47 AM EST
Parliament on Thursday approved a government motion extending by a year the mandate of Turkish naval missions in the Gulf of Aden, the Arabian Sea and the coastal waters off Somalia.
Two more members resign from their new Somali cabinet
-
HOL
1/18/2014 8:56 AM EST
Mogadishu (HOL) - Two members of the newly formed Somali cabinet have urgently announced their resignation hours after their names appeared amongst the list of the Prime Minister's new cabinet.
Former park worker charged with theft of field rental fees
-
Star Tribune
1/18/2014 8:48 AM EST
A refugee from Somalia’s civil war who arrived in Minneapolisspeaking no English 12 years ago, Hashim Yonis soon became a rising star.
Putting a dent in piracy
-
Washington Post
1/18/2014 5:41 AM EST
International Maritime Bureau statistics show there were 264 pirate attacks in 2013, a 40 per cent drop since piracy's peak in 2011.
The killing field: Extraordinary images of Al-Shabaab's Somali stadium of death
-
independent
1/18/2014 4:01 AM EST
The gunmen were determined to drain every last drop of blood for the land they were being forced to cede in the heart of Somalia's capital, Mogadishu.
Turkey committed to fighting Somali piracy
-
World Bulletin
1/18/2014 2:34 AM EST
Turkey will continue to support international maritime efforts to curb piracy off the coast of Somalia, foreign ministry said in a written statement on Friday.