4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 17, 2014
Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay inay Wadayaan dagaalka Al-shabaab


Jimco, Janaayo 17, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay maanta inay xukuumaddiisu sii wadi doonto dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isagoo ku eedeeyay Al-shabaab inay kasoo horjeeddo nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

Mudane C/weli Sheekh ayaa hadalkiisan kusoo beegay xilli uu xalay gellinkii dambe ku dhawaaqay gole wasaaradeed oo ka kooban 55-xubnood, kuwaas oo aad uga tiro badan wasiirradii xukuumaddii ka horreysay.

“Dagaalka aan kula jirno Al-shabaab waan sii wadaynaa tan iyo inta dalka oo dhan laga saarayo, taasna waa mid naga go’an” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo dhawaan sheegay in sannadkan uu noqonayo sannadkii cirib-tirka kooxda Al-shabaab iyo dhisidda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa war uu xafiiskiisa kaasoo saaray ku sheegay in xukuumaddiisa cusub ay ku dadaali doonto horumarinta gabi ahaan hay’adaha dowladda, maaliyadda iyo nidaamka federaalka ah.

Ra’iisul wasaare C/weli ayaa xusay inay xukuumaddiisu si hagar la’aan ah ugu shaqeyn doonto dhammeystirka horumarrada la gaaray sannadkii hore, si ay Soomaaliya u gaarto meesha ugu wanaagsan ee uu ku haminayo qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah.

Dhanka kale, wuxuu sheegay inay Soomaaliya hadda heysato fursad cusub oo ku hagi karta gaarista heer lagu faani karo, inkastoo uusan fursadahaas si cad carrabka ugu dhufan.

Mudane C/weli Sheekh ayaa waxaa la magacaabay 12-kii bishii December ee sannadkii hore, kaddib markii ay kalsoonida wayday xukuumaddii Saacid uu horkacayay, waxaana uu xilka la wareegay 26-kii isla bishii December.

Xukuumadda uu ra’iisul wasaaruhu xalay magacaabay ayaa waxay isugu jiraan xubno horay ula soo shaqeeyay xukuumadihii KMG ahaa, kuwo ka tirsanaa xukuumaddii Saacid iyo xubno ku cusub siyaasadda dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya