4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 17, 2014
Warbixin ku Saabsan Shir-weynaha ka Socda Baydhabo (SAWIRRO)


Jimco, Janaayo 17, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo uu ka socdo shirweynaha maamul u sameynta gobollada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa waxaa maalmahan ku qulqulayay ergooyin kala duwan oo ka imanaanaya gudaha dalka iyo dibadiisa.

Maanta oo Jimco ah ayaa waxaa si lama filaan ah ugu baxay shirka ergooyin ka socday gobolka Shabeellada Hoose iyagoo aan la ogeyn sababaha ay ugu baxeen shirka.

Shir ka socda Baydhabo ayaa wuxuu marayaa meel xasaasi ah iyadoo goor-dhow uu shirku geli doono wajigiisa saddexaad, waxaana ergooyinka hadda ay ku mashquulsan yihiin qaybsashada ergooyinka gobollada maamulka loo sameynayo oo tiradodu dhan tahay 1005 xubnood.

Waxaa kaloo Baydhabo gaaraya fannaaniin aad u tiro badan oo dibadda iyo gudaha dalka ka kala imaanaya; kuwaasoo ruwaayado kala duwan maalin walba ka dhigaya magaalada,

Dhanka kale, waxaa magaalada Baydhabo la dareemayaa taageero xooggan oo loo hayo shirka maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya oo tiradoodu tahay lix gobol.


Hiiraan Online, Baydhabo