4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 17, 2014
Wiil Soomaalida Maraykanka ah oo loo Magacaabay Jago Muhiim ah


Jimco, Janaayo 17, 2014 (HOL) — Duqa magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Betsy Hodges ayaa kaaliye dhinaca siyaasadda ah u magacowday Cabdiraxmaan Muuse oo ah siyaasi da’yar oo haysta dhalashada dalka Maraykanka ,iyadoo xilkan uu kamid yahay kuwa ugu muhiimsan ee laga qabto gobolka Minnesota.

In  ay Betsy Hodges noqoto maayarka Minneapolis waxaa ka qayb-qaatay Soomaali aad u tira badan oo ku nool halka laga soo doortay ,waxaana Cabdiraxman uu kamid ahaa dadkii sida aadka ah ugu ololeeyay Hodges xilligii ay doorashada ku jirtay.

“Sharaf  weyn ayey ii tahay in la ii magacaabay kaaliye siyaasadeed, waxaana ka shaqayn doonaa xafiiska maayarka Minneapolis” ayuu yiri Muuse oo hadal kooban ku soo qoray boggiisa Facebuugga ,isagoo intaa raaciyay in uu aad ugu faraxsanahay booska loo dhiibay.

Waxaa kaloo uu sheegay C/raxman inuu si daacad ah uu adeegi doono bulshada ku nool magaalada Minneapolis, isagoo tilmaamay in arritani muujinaso in dadka laga tirada badan yahay ay talada magaalada ka qayb-qaadan doonaan uuna ka shaqaynayo sidii sabool-nimada iyo duruufaha nololeed ee dadka laga tirada badan yahay ee ay Soomaalidu ka mid tahay loola tacaali lahaa.

Somalida ku nool Maraykanka ayaa soo dhaweeyay booska loo magacaabay Cabdiraxman Muuse, waxaana ay ku tilmaameen mid kamid ah guulaha ay gaareen bulshada Soomaaliyeed ee guud ahaan ku nool wadankaas.

“Waan soo dhaweynaynaa xilkan loo dhiibay ,waxaana tani ay kor u qaadday codka bulshadeena ee wadankan,” ayuu yiri Cabdurasaq Biix oo kamid ah Soomaalida waqtiga badan joogay Minneapolis.

Soomaalida haysata dhalashada Maraykanka waxa ay saamayn ku leeyihin dhinacyada siyaasadda ,ganacsiga iyo waliba waxbarashada, waxaana badankood ay USA soo galeen sagaashamaadkii markaas oo dalka Soomaaliya ay ka dhaceen dagaallo sokeeye.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]