4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 17, 2014
Golaha Wasiirrada Maamulka KMG Jubba oo la dhaariyay (SAWIRRO)


Jimco, Janaayo 17, 2014 (HOL) — Munaasabad weyn oo maanta ka dhacday xarunta madaxtooyada Kismaayo islamarkaana ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Jubba, odoyaal, aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo waxgarad kale, ayaa lagu dhaariyay Madaxweeyne ku xigeenka 2-aad iyo golihii wasiirada maamulka Jubba iyadoo sidoo kale lagu dhawaaqay laba wasiir oo ka dhinayd golaha wasiirada.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ugu horeyn sheegay in xafladani ay isugu jirto laba ujeeddo oo kala ah dhaarinta wasiirrada iyo weliba ku dhawaaqidda laba wasiir oo ka dhinayad golaha wasiirrada.

Labada wasiir ee cusub ee manta lagu dhawaaqay aya kala ah Ibraahim Xasan Cabdi oo loo magacaabay wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka, iyo Mudane Max’ed Cabdi Mohamed (Jowhar) oo isna loo magacaabay wasiirka garsoorka iyo arimaha diinta.

Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax ayaa intaa kadib mid mid ugu yeeray xubnaha golaha wasiirada, kuwaasoo dhamaantood loo dhaariyay xilalka loo magacaabay.

Madaxweeyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubba Suldaan C/qaadir Lugadheere oo kamid ahaa xubnihii la dhaariyay ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka in ay la shaqeeyaan maamulka, isagoo xusay in aysan iyagu waxba qaban Karin hadii ayan helin taageerada shacabka.

Dhaarinta golaha wasiirada ee maamulka Jubba ayaa kusoo beegmeysa iyadoo la filayo in 20-ka bishan ay gudaha magaalada Kismaayo ka dhacdo xafladda caleemo saarka madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).






Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya