4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 17, 2014
Akhristayaasha HOL oo fikrado ka dhiibtay Golaha Wasiirrada Cusub


Jimco, Janaayo 17, 2014 (HOL) — Akhristayaasha Hiiraan Online ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisa jooga ayaa hab fariin qoraaleed ah kaga bixiyay aragtiyadooda sida ay u arkaan golaha wasiirrada cusub ee xalay lasoo magacaabay.

Fariimahan oo ahaa intii aan awoodi karnay inaan idiin soo gudbino ayay akhristayaashu ku qoreen barta Facebook-ga ee HOL, iyadoo aragtiyada ay bixiyeen ay yihiin kuwo kala duwan, waxaase intooda badan ay bixiyeen fariimo ay ku taageerayaan golaha wasiirrada iyagoo Alle ka baryay inuu howshooda la garab-galo.

Haddaba Fariimaha waxay u Qornaayeen sida:

Kutub Hussein ayaa yiri: “Waan soo dhawaynaynaa xukuumada cusub iyo golaheeda wasiirrada; waxaana u rajeyneynaa shaqo wanaagsan… Alahayow ka dhig kuwa dalkooda anfaca. Waa aqoontii ummadda Soomaaliyeed oo la isku soo uruuriyey. hanoolaato Soomaaliya. Baarlamaankana waxaan ka rajeynaynaa inay codkooda ula dhakhsadaan.”

Amin Mohamed Hassan oo wax ka barta Jaamacadda Somalia ee Muqdisho ayaa yiri: “Bismilaah… Anigoo ah mid ka mid ah ardayda wax-ka-barta jaamacada SIU qaybteeda Political and International Relations hadaan cabiro fikradayda ku aadan soo magacaabista golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya, waxaan oran lahaa waxaa inoo dhashay waa cusub oo aan ku gaari karno doorasho xor ah nabadgalyo.”

Hussein Danab ayaa isaguna yiri: “Maalin walba qolo ha la keeno si Soomaalida looga maaweeliyo xaqiiqda dhabta ah ee dalka ka jirta. Bal u fiirso inta Soomaalida ku mashquulsanayd sheekadaan wasiirrada, IGAD waxay sheegtay in Itoobiya ay ka mid noqoto AMISOM, sidii Kenyaba loo xalaaleeyey duulaankoodii. Waa sheeko lagu hoos qariyay arrintaan si Soomaalida qaar oo dalkooda danaynaysa aanay ugu mashquulin tallaabada IGAD ee cadowga Ethiopia shaarka cad loo soo galiyay. Dhinaca kale, bal maxuu soo kordhin karaa ra’iisal-wasaare magac u yaal ah oon awood lahayn, 55 wasiir oo aan Muqdisho dhaafi karayn diyaarad dibadda loo raaco maahee, maamulkooda 100-km oo isku wareeg ah uusan ka badneyn, musuq-maasuquna tin-cidhib yahay, ciidankooda isbaaroooleey yahay oo shacabka dhib ku haya, Caalamkana hal taangi xitaa wali ku aamini la'yahay. Tani waa Shimbirayhow heesa, hees wanaagsan ku hees, halkan soo fariista."

Wiil Soomaaliyeed ruux magaciisa ku sheegay ayaa yiri: “Walaal waan kugu raacsanahay laba sano Soomaaliya waxaa lagu mashquulinayaa waa tanoo kale illaa hadafka IGAD iyo Qaramada Midoobay ay gaaraan uu sidan noqday. Ruuxii ku riyoonayoow inay 2016-da doorasho dhacayso waxaad u diyaar-garowdaa ...... adiguba caqlaa leedahee dhamays tiro.”

Ismail Molah oo fariintan kasoo qoray Hargeysa ayaa isaguna yiri: “Ilaahay ha ka dhigo ku wii dalkooda ka saara mashaakilka curyaamiyay in ka badan 22 sano...... .waa gole aad u tiro badan.. markaa waxa looga fadhiyaa inay shaqo u dareeraan oo ay qabtaan hawlaha loo igmaday....”

Abu Bilal ayaa isaguna fariintiisa ku yiri: “Maxaa lagu soo xulay? Aqoon ay u leeyihiin waxa loo dhiibay?............. Shacbigan dhibaateysan uun kheyr u keena.............. Mas'uul kastana ha ogaado wuxuu maanta sameynayo waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa nolosha innagu soo food leh.”

Abdullah Issa Ahmed ayaa isna yiri: “Waxaa lagu soo xushay aqoon dari, qibrad la'aan, nin jecleeysi, laan dheeri (4.5) iyo qaabkay u mustaqbal tiri lahaayeen dhallinyarada Soomaaliyeed oo duruuf ku habsatay dalka gudahiisa & dibadiisaba.”

Mahamed Mahamud Nur ayaa isna yiri: “Waxay u eg-tahay golaha wasiirada cusub ee la magacaabay in dhammaantood ay u badan yihiin xildhibaanno ku jira golaha baarlamaanka. Waa soo dhaweenaynaynaa in xukuumadda iyo baarlamaanku is-fahmaan ayna wada-shaqeeyaan. Si loo dar-dar-galiyo tubta nabadda.”

Guled Zaki ayaa isagana qoraalkiisa ku yiri: “Waxay iila muuqataa, inaan wadaankan dowladnimo laga rabin oo sheekadu tahay ha la iska daba-wareego, balse waxaa iiga sii daran Soomaali Ilaah baa u maqan, waxaana dadka iyagu meesha u tagay reerkeena wasiir ha la siiyo, wasiirku ma Soomaali ayuu wasiir u noqon mise qabiilkooda ayuu wasiir u noqon, aniga dowladdii hore ee tobanka wasiir ahayd wax ka fiican u maleyn maayo inay Soomaaliya kasoo baxayaan.”

Muxudin Wadani ayaa yiri: “SCWW waxan filayay in ra’iisul wasaaraha cusub uu ka maskax fiyow yahay madaxweynaha laakiin labaduba waa ri' is-nuugtey oo aan u qalmin inay Soomaaliya maamulaan.”

Mahmud Anas oo kasoo qoray fariintiisa Jarmalka ayaa yiri: “Markaan dhab u eegay liiskan iyo magacyada qaar tirada wasaaradaha waxaan soo xasuustay dowladihii ku meel gaarka ahaa, walee ninkii Xasan Shiikh ahaa Timir siib ee tiin tallaal ayaa ku dhacday wax Alaale wixii is-bedel loo codeeyay waa eber, ugu yaraan mushaarkooda ayaa naga yaraan lahaa markay 10 wasiir tiradoodu ahayd iyo dib u dhac weyn. Ka qayb-galinta dumarka waxaan hubaa qabyaalad ayaa nalagu maawelinayay laakiin khilaafka ugu weyn inuu ahaa labadaas arrin oo la dhihi karo waxay ahayeen waxa kaliya ee dowladdan uga duwanayd kuwii KMG ahaa.”

Mostaf Abdisalam Dhi'isow ayaa fariintiisa ku yiri: “Bal aan aragno waxay qabtaan in cilmi qayb laga hadalo waa laga fiican yahay, in wax laga sheego qof aadan arag howshiisa waa laga wanaagsan yahay.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya