4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 17, 2014
Weriye Soomaaliyeed oo la gudoonsiiyay abaalarmin heer caalami ah

Jimco, Janaayo 17, 2014 (HOL) — Hay’adaha PEN International, Oxfam Novib iyo Guddi u dooda qorayaasha la xiro ayaa abaalmarinno caalami ah guddoonsiiyay sannadkan sagaal ruux oo weriyaal iyo xubno u dooda xuquuqda aadanaha; kuwaasoo dalal kala duwan u dhashay, waxaana ku jira wariye, Cabdicasiis C/nuur Ibraahim oo loo xiray wareysi uu la yeeshay haweeney la fara-xumeeyay.

Weriye C/casiis ayaa dhammaadkii sannadkii 2012 xabsiga u galay warbixin uu ka qoray gabadh sheegtay in ay kufsadeen rag watay direyska ciidanka dowladda Soomaaliya. Weriyaha ayaa bilowgii sannadkii hore ee 2013-da lagu sii daayay amar maxkamadeed.

Xabsiga Cabdicasiis ayaa si weyn u gilgilay dowladda federaalka, wuxuu si aad ah u hareeyay safar uu madaxweynaha Soomaaliya dooayay inuu ku tago dalalka Yurub qaarkood. Xarigii Cabdicasiis ayaa kusoo beegmayay xilli dalalka reer galbeedku dhaqaale badan ku bixinayeen sidii looga hor-tegi lahaa Kufsiga iyo galmada sharci-darrada ah.

Dunida ayaa si aad ah ula yaabtay in gabadhii sheegtay in la kufsaday iyo wariyihii soo tabiyay la xiro, halka dowladdu ku doodaysay in caddaaladdu ay madax-bannaan tahay, sheekada gabadha iyo weriyaha lagu xirayna ay ahayd mid been-abuur ah oo la sameeyey si loogu gaaro dano gaar ah.

Wariyaha ayaa lagu xukumay xabsi hal sano ah, iyadoo markii dambe ay hoos u dhigtay muddada xariga maxkamadda sare, iyadoo ugu dambeynna la sii daayay, waxaana sidoo kale xabsi lagu xukumay gabadhii sheegtay in ay kufsadeen ciidamada dowladda.

Sidoo kale, dhammaadkii sannadkii hore ayay ahayd markii wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo ka tirsan Radio Shabelle, Milkiilaha idaacadda iyo gabar sheegtay inay kufsadeen wariyeyaal ka tirsan Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda iyagana lagu xukummay sannado kala duwan, inkastoo fursad loo siiyay inay iibsadaan xabiyadooda.

Wariyeyaasha iyo xubnaha kale ee u dooda xuquuqda aadanaha oo iyagana la guddoonsiiyay abaalmarinnada caalamiga ah ayaa waxay ka kooban yihiin Afrikaan iyo Aasiyaan iyo Yurubiyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya