4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 17, 2014
Degmada Beledweyne oo laga soo dhaweeyay Wasiirada (SAWIRRO)


Jimco, Janaayo 17, 2014 (HOL) — Kulan ay ka soo qeyb-galleen siyaasiyiin, odayaal dhaqameed, waxgarad iyo dad ka kooban qeybaha bulshada oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo dhaweeyay magacaabista xubnaha gollaha wasiirrada cusub ee xalay lagu dhawaaqay.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed] oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ka hadashay kulanka ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan magacaabista gollaha wasiirrada oo sida uu sheegay lagu soo beegay waqti ay siweyn u sugayeen bulshada Soomaaliyeed.

“Kulanka maanta aan halkan ku qabanay [Beledweyne] waa mid u saabsan taageerada aynu heynno xubnaha cusub ee gollaha wasiirradda xalay lagu dhawaaqay, oo ah kuwa waqti badan la galliyay laguna soo xullay aqoonta iyo kartida ay u leeyihiin howsha Qaranka ee lagu aamminay,’’ ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Waxaa uu intaa ku darray Yuusuf Dabageed in bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan marka kasta soo dhaweynayaan nidaamka dowlliga ah,islamarkaana taageero buuxda u hayaan dowladda federaalka ee uu madaxweynaha yahay Xasan Sheekh Max’uud, waxana uu dhinaca kale fariin u dirray mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

"Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya waxaan ka codsaneynaa in ay meel-mariyaan gollaha wasiirrada cusub ee la soo magacaabay oo runtii juhdi iyo waqti badan la galliyay, suurtagal ma’aha in bulshada oo dhan xilal loo magacaabo, dabcan mas’uuliyad ayaa saaran baarlamaanka, sidaa daraadeed waxaan ka fileynaa in ay gudan doonaan mas’uuliyada iyo waajibaadka saaran,’’ ayuu yiri guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Nabadoon Max’ed Cabdi Raaxooy oo ka qeyb-gallay kulanka ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka gobolka siweyn u soo dhaweynayaan xukuumada cusub, isaga oo u rajeeyay in xubnaha gollaha wasiirrada in ay ka soo dhalalaan wajibaadka loo idmaday.

“Waxaan is leenahay shaqsiyaadka ama xubnaha la magacaabay dhamantood waa kuwo ka bixi kara howsha lagu aaminay, gaar ahaan marka la eego waqtiga dheer ee lagu bixiyay siddii loo soo xuli lahaa, sidaa daraadeed kaliya wixii hadda ka danbeeya bulshada Soomaaliyeed waxaa ay uga fadhisaa waxqabad,’’ ayuu yiri nabadoon Max’ed Cabdi Raaxooy.

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee xalay ku dhawaaqay xukuumad ka kooban 55 xubnood oo siweyn loogu dhag taagayay magacaabistooda.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya