4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 17, 2014
Tarsan oo sheegay inuusan ka mid noqonayn golaha wasiirada cusub


Jimco, Janaayo 17, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuusan doonayn inuu qabto xilka loo magacaabay ee ah wasiir ku xigeenka dhallinyarada iyo isboortiga xukuumadda Soomaaliya.

Tarsan ayaa wuxuu ka mid aha 25-wasiir ku xigeen oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed uu xalay gellinkii dambe soo magacaabay, wuxuuna Tarsan sheegay inaan lagala tashan xilka wasiir ku xigeenka ah ee loo magacaabay.

“Xilka la ii magacaabay ma ahan mid la igala tashaday, ra’iisul wasaaruhuna iguma soo qaadin intii aan is-arkaynay, marka diyaar uma ihi inaan xilligan ka mid noqdo golaha wasiirrada,” ayuu Tarsan ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Magacyada Golaha Wasiirrada Somalia oo dhameystiran (SAWIRRO)

Duqa Muqdisho wuxuu uga maahdceliyay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iiisul wasaarihiisa xilka ay u garteen ee ay u magacaabeen, iyadoo xilka loo magacaabay xilli uu hayo jagada guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horreeyay oo ka tirsan golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya oo sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu qabto xilka wasiirnimo ee loo magacaabay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xalay gellinkii dambe soo magacaabay golaha wasiirrada, kaddib watashiyo muddo saacado ah qaatay kaddib.

Golaha wasiirrada cusub ayaa waxay ka kooban yihiin 55-wasiir oo isugu jira 25-wasiir, 25-wasiir ku xigeen iyo shan wasiir u dowle, kuwaasoo qaarkood ka tirsanaa xukuumaddii hore ee saacid, kuwo siyaasadda ku cusub iyo kuwo la soo shaqeeyay dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya