4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 17, 2014
Madaxweynaha Somalia baaq u jeediyay Golaha cusub ee Wasiirrada


Jimco, Janaayo 17, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamud ayaa aqbalay wasiirada cusub ee uu xalay magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed, isagoo xusay inay wasiirrada cusub yihiin kuwo khibrad iyo waayo-aragnimo leh.

“Waxaan aqbalay soo jeedinta ra’iisul wasaaraha ee golaha wasiirada cusub ee uu soo xulay oo matala dhammaan gobolada dalka. Golahan Wasiirrada waxay haystaan kalsoonideyda. Golahan wasiirrada waxaa hortalla howl aad u culus oo looga baahan yahay inay dhameystiraan dib-u-habeynta iyo dib u dhiska uu dalku u baahan yahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo aan goobjoog ka ahayn xafladdii looga dhawaaqay golahan wasiirrada.

Madaxweynaha oo sii hadlay ayaa yiri: “Ra’iisul wasaaraha Somalia wuxuu uu haystaa taageeradayda, waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka u xaqiijinayaa inaan ognahay howlaha culus ee na horyaalla. Waxaana idiin caddeynaynaa sida ay nooga go’an tahay isbedel dhab ah oo muuqda, isla markaana la dareemi karo, shacabkuna ay aamini karaan.”

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay in golaha cusub ee Xukuumaddan ay horyaalaan caqabado fara badan. Loona baahan yahay in xasilinta iyo amniga la sii dar-dargeliyo, la horumariyo adeegyada bulshada, dar-dar-gelinna lagu sameeyo maamulka iyo maareynta maaliyadda dalka iyo sidii dib u dhiska dalka looga shaqeyn lahaa.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu ka dalbaday baarlamaanka Somalia in ay waajibaadkooda dastuuriga ah gutaan oo ay ansixiyaan, si xukuumaddu ay u dar-dar-geliso qorshaha siyaasadda, amniga, dib u habeynta maaliyadda iyo adeegyada bulshada, oo muhiim u ah xasilinta iyo horumarka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya