4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2014
Museveni oo sheegay in ciidankiisu ay ka dagaalamayaan K/Suudaan


Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa sheegay markii ugu horreysay in ciidamadiisu ay ka dagalamaayaan, gudaha dalka ay jaarka yihiin ee Koonfurta Suudaan iyagoo gacan siinaya ciidamada dowladda dalkaas ee dagaalka kula jira mucaaradka.

Musaveni ayaa sheegay in ciidamadiisa oo taageeraya kuwa Salva Kiir ay kaga adkaadeen mucaaradka dagaallo ay kula galeen magaalooyin ay horay mucaaradku u qabsadeen oo ku yaalla waqooyiga dalkaas.

“Ciidamadeenna qaarkood ayaa ku dhintay dagaalladaas iyagoo caawinaya walaalahood,” ayuu yiri Museveni iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo Uganda ay qirato inay ka dagaalamayaan ciidamadeeda dalka Koonfurta Suudaan.

Afhayeenka ciidamada Uganda, Pandy Ankunda ayaa sheegay in dagaallada ay qaybta ka yihiin ciidamada Uganda haatan ay ka socdaan magaalada Bor ee xarunta gobolka Janglei oo 90-km u jirta magaalada Jubba ee xarunta Koonfurta Suudaan.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfurta Suudaan, Riek Machar oo ah hoggaamiyaha mucaaradka ku kacsan xukuumadda dalkaas ayaa horay u sheegay inay ciidamada Uganda ka dagaalamayaan gudaha dalkaas.

Dowladda Uganda oo taageersan madaxweynaha Koonfurta Sudan ayaa horay dhowr jeer u beenisay inay askartoodu ay ka dagaalamayaan dalka Koonfurta Suudaan, balse hadalka Museveni ayaa caddeynaya inay ciidamada Uganda ka dagaalamayaan dhulalka for ee ay mucaaradku haystaan si gacanta dowladda dalkaas loogu soo celiyo.

Yoweri Museveni ayaa sheegay in madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir lagu soo doortay si dimuqraaddi ah oo aysan ogolaan karin in xukunka si awood ah looga tuuro inta isku dayadaas ay jiraanna ay taageeri doonaan.

Dalka Uganda ayaa waxaa dalka Koonfurta Suudaan uga yimaada shixnadaha ganacsi ee ay dhoofiso, iyadoo hadalkan uu kusoo beegmayo xilli ururka Midowga Afrika iyo IGAD ay ku baaqeen in la joojiyo dagaallada dalkaas ka socda, laguna dhameeyo khilaafka si nabad iyo wadahadal ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya