4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2014
Golaha Wasiirrada Somalia oo lagu Wado in Caawa lagu Dhawaaqo

Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Warar ay HOL ka heshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in lagu wado in caawa lagu dhawaaqo golaha cusub ee wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa HOL u xaqiijiyay in isla caawa lagu wado in wasiirrada la magacaabo, iyadoo wariyeyaasha ay illaa maanta ku suganaayeen xarunta madaxtooyada halkaasoo ay ka socoto qabanqaabada xafladda lagu magacaabayo wasiirrada cusub.

Magacaabidda golaha wasiirrada ayaa dhowr jeer oo hore uu dib u dhac ku yimid, laakiinse warkan ayaa sheegaya in isla caawa lagu dhawaaqo, iyadoo ay gabo-gabo ku socoto muddo 10-casho ah oo uu baarlamaanku siiyay ra’iisul wasaaraha Somalia si uu kusoo magacaabo golihiisa wasiirrada.

Wixii kasoo kordha warkan waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya