4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2014
Guddoonka Baarlamaanka Somalia oo safiirro la kulmay (SAWIRRO)


Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay safiirrada dowladaha Britain iyo Sweden u fadhiya Soomaaliya, iyadoo gudoonka uu kala hadlay safiirrada sidii ay dowladahooda kaalin ugu yeelan lahaayeen hirgelinta qorshayaasha golaha shacabka ee sannadkan 2014-ka.

Kulammadan oo ahaa kuwo gaar-gaar ah ayaa ka dhacay xafiisyada cusub ee guddoonka baarlamaanka oo ku yaalla xarunta Villa Hargeysa; waxaana wadajir danjirayaashan u qaabilay guddoomiyaha golaha shacabka, mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo guddoomiye ku xigeenka koowaa, Jeeylaani Nuur Iikar.

Ugu horreyn guddigu wuxuu la kulmay safiirka Sweden u fadhiya magaalada Muqdisho, Mikael Lindvall iyagoo kulanka labaadna la yeesheen danjiraha Britain ee Soomaaliya, Neil Wigan.

Guddoomiyaha baarlmaanka oo kulammada markii ay soo dhammaadeen la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in maanta uu guddoonka baarlamaanka qaabilay dajirayaasha Sweden iyo Britain u qaabilsan Somalia isla markaana ay kala hadleen sidii ay dowladahooda kaalin mug leh ugu yeelan lahaayeen hirgelinta qorshayaasha baarlamaanka; gaar ahaanna sannadkan 2014-ka oo ah sannadka howlaha ugu badan laga doonayo inuu baarlamaanka qabto.

Mudane Jawaari ayaa dhanka kale tilmaamay in ka sokoow howlaha golaha shacabka ay safiirradan kala hadleen sidii ay kaalin muuqata ugu yeelan lahaayeen howlaha horumarrada iyo dib u dhiska ah ee ay shcabku hadda wadaan.

Afhayeenka ayaa xusay in danjirayaasha ay muujiyeen sida xiligan ay uga duwan yihiin ballan-qaadyada caalamka ee Soomaaliya kuwii horay loogu sameyn jiray maadaama ay hadda dowladda Soomaaliya dejisay qorshayaal cad-cad.

Safiirradan ayaan ahayn danjirayaashii ugu horreeyay ee dalalka caalamka u fadhiya magaalada Muqdisho ee uu gudoonka baarlamaanka Soomaaliya la kulmo; balse danjireyaashan waxay noqonayaan safiirradii ugu horreeyay ee ay guddoonka ku qaabilaan xafiisyada guddoonka iyo guddiyada golaha shacabka ee ku yaala Villa Hargeysa oo dhawaan xarigga laga jaray.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya