4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2014
Madaxweynaha deegaanka Somalida Itoobiya oo qaabilay qurbojoog


Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar  oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa shirar kala duwan la qaatay qaybaha bulshada  ka soo jeedda deegaankaas ,iyaga oo kawada-hadlay arimo dhowr ah.

Kulan ay wada qaateen madaxweynaha iyo waxgaradka sagaalka gobol ee dowlad deegaanka ayaa ka dhacay safaaradda Itoobiya ay ku leedahay London ,waxaana qurba-joogta kulankaas ay warbixin kaga dhagaysteen madaxweynaha iyo wafdigiisa.

“Waan idiin kaga mahad-celinayaa markasta taageerada aad la garab taagantihiin dowladda ,waana wax loo baahan-yahay inaad laba jibaartaan “ayuu yiri madaxweynaha oo kulanka furitaankiisa ka hadlay, isagoo xusay in horumar ballaaran la gaaray sanadihi ugu danbeeyay.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiyadii hore ay dhibaato badan kala kulmi jireen ka dowlad ahaan ,isla markaana aysan jiri-jirin fursado dadku ay ku heli karayeen waqtigaas  nolol wanaagsan, balse hadda uu dhacay isbadal ballaaran oo wax lagu qabsan karo.

“Runtii farqi wayn ayaa dhacay waayo xisbiga EPRDF ,wuxuu halgan dheer u soo galay in dadka dowlad deegaanka ay helaan xuquuqdooda oo dhamaystiran,“ ayuu madaxweynaha hadalkiisa ku daray.

Waxaa kaloo shirka lagu canbaareeyay kooxo gaar ah oo la sheegay in ay ka soo horjeedaan horumarka, waxaana madaxweynaha uu ugu baaqay qurba-joogtii  uu la kulmay in ay maal-gashi ku sameeyaan dhamaanba gobollada deegaanka.

Ugu danbayntii magaala madaxda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sanadkii tagay lagu qabtay xuska qowmiyadaha Itoobiya ,waxaana dhinacyadii uu madaxweynaha la shiray qaarkood ay sheegeen in ay booqan doonaan Jig-jiga si ay maal-gashi ugu sameeyaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]