4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2014
BIIXI: "Somaliland Marna Kama Laabanayso Gooni isku Taaggeeda”

Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo hoggaaminaya wafdiga Somaliland uga qaybgalaya wadahadallada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland yaa sheegay inaysan ka laabanayn Somaliland gooni-isku-taaggeeda oo uu yahay mid laba taabtaan ah.

Biixi oo u warramayay idaacadda BBC-da ayaa xusay in go’aanka Somaliland ee gooni-isku-taagga Somaliland uu yahay mid ay go’aansadeen shacabka ku nool deegaannadaas oo aanan dib looga laaban doonin.

“Gooni-isku-taagga Somaliland waa mid muqaddas ah oo aan laga laaban doonin, balse waxaan walaaladeen aan la yeelan doonnaa wadahadallo miro-dhal ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inaysan fulin go’aannadii lagu gaaray shiirkii bishii July ee sannadkii hore aysan waxba ka fulin, isagoo tusaale u soo qaatay maamulka hawada Soomaaliya oo ay labada dhinac heshiis ka gaareen.

Wadahadallada oo furmay ayaa waxaa labada dhinac u saareen guddi gaar ah sidii ay u soo diyaarin lahaayeen ajanadayaasha looga hadlayo shirkan oo socon doona labada maalmood ee soo socota.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo wafdiga dowladda Soomaaliya ee shirka ka qaybgalay horkacaya ayaa sheegay inay kawada hadli doonaan iyaga iyo wafdiga Somailand sidii la isugu soo dhawaan lahaa loona heli lahaa Soomaaliya oo mid ah oo ay ka jirto nabad.

Wafdiyda Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxay u muuqdaan kuwo mowqif ahaan aad u kala fog, balse waxaa intii uusan shirku furmin dhexmarayay kaftanno kala duwan oo intood badan ay uga hadlayeen magacaabista golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya.

Xubnaha Somaliland ayaa waxay kula kaftamayeen wafdiga Soomaaliya in ay kusoo bixi kaaraan liiska wasiirrada iyo kale, iyagoo sheegay inay baqdin ka qabaan in hebel iyo hebel ay ka kexeystaan balse ay ku bedel doonaan haddii ay dhacdo xubno kale.

Wadahadallada ayaa waxaa maanta furay safiirka Turkiga u jooga dalka Soomaaliya, Kamaaludiin Kani Turan oo labada dhinac ku boorrinay inay ka soo saaraan wadahadalladooda qodobbo wax ku ool ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya