4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2014
Wadahadalkii dowladda Somalia iyo Somaliland oo ka furmay Turkiga


Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Waxaa goor dhow ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga wahadalladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, kaasoo socon doona labada maalmood ee soo socota sida uu sheegay sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya.

Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta isagoo ku sugan magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay u saareen guddi labada dhinac ka kooban diyaarinta ajandayaasha ay shirkoodan uga hadlayaan.

“Innagu waxaan xoogga saarnay sidii lagu heli lahaa Soomaaliya oo mid ah, isla markaan looga wadahadli lahaa waxyaabaha la kala tabanayo. Sidoo kale walaalaha Somaliland iyagun waxay xoogga saareen sidii looga hadli lahaa waxyaabaha la kala tabanayo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in guddi ay u saareen soo diyaarinta wixii ay kawada hadli lahaayeen, kuwaasoo uu sheegay inay siiyeen muddo dhowr saacadood ah, markaas kaddibna fadhiga lagu laaban doono.

“Waxaan qabnaa dhankeenna in khilaafyada jira ay Soomaalida xallin karo, aana kawada hadalno,” ayuu hadalkiisa ku daray, isgaoo xusay inaysan ku dhammaanayn wadahadalladu xilli kooban oo ay sii socon doonaan.

Guuleed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wadahadalladan ay kasoo bixi doonaan ajandayaal la isku waafaqsan yahay, isagoo ku adkeysanaya inay filayaa inay shirkan kasoo bixi karaan natiijooyin wanaagsan.

Ma jirto cid u hadashay dhinaca Somaliland, iyadoo wafdiga u qaybgalaya uu shirkan uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda, Maxamed Biixi Yoonis oo ay noqonayso markii uu horreysay oo uu shirkan ka qaybgalo.

Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxay saddex jeer oo hore ay ku yesheeen kulammo dalalka Britain iyo Turkiga, kuwaasoo qodobbada looga hadlay ay ka mid yihiin sidii ay labada dhinac isugu soo dhawaan lahaayeen inkastoo aan horumar muuqda laga gaarin.

Bishii July ee sannadkii hore 2013 ayaa waxaa wadahadallo ay goobjoogayaal ka ahaayeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland, Xasan Sheekh Maxamuud ka dhaceen dalka Turkiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya