4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2014
Al-shabaab oo ka War-bixisay Weerarkii ay ku Qaadday Mahaddaay

Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa waxay ka warbixisay weerar ay habeen hore ku qaadday degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe, iyagoo sheegay in dagaalkaas ay ku dileen tiro ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab ayaa sheegay in howgalkan uu ahaa mid qorsheysan ayna kula wareegeen degmada Mahadaay, halkaasoo ay ku sugnaayeen muddo saacado ah.

“Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan waxaana dagaal muddo qaatay oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka fudud iyo midka culus kaddib u suuro-gashay mujaahidiinta inay gudaha u galaan degmada Mahadaay oo ay garaan xarunta maamulka degmada iyo saldhigga booliiska,” ayuu yiri Shiikh C/casiis Abuu-Muscab.

Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu sheegay in dagaalka ay ku dileen 10 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayna ku gubeen laba gaari oo kuwa dagaalka ah, kuwo kalena ay soo kexeysteen.

“Intii aan magaalada gacanta ku haynay baaritaan ayaan ku sameynay, si nabadgalyo ah ayaana uga baxnay markii aan qorshayeenna gaarnay,” ayuu yiri afhayeenka howgallada ee Al-shabaab.

Afhayeenku ma uusan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray weerarkii ay ku qaadeen kuna qabsadeen degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe oo sannadkii hore ay ka qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dhanka kale, Ismaaciil Maxamed Cumar oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in weerarkii ay Al-shabaab kusoo qaadeen degmada Mahadaay uu ahaa mid qosheysan ayna iska difaaceen, isagoo xusay inay dhowr ruux ka dileen.

Isku soo wada-duuboo, goobjoogayaal ku sugan degmada Mahadaay ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe ayna muddo saacado ah ku sugnaayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya