4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2014
Ururka Midowga Afrika oo sheegay in Itoobiya ay ku biirayso AMISOM

Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay si rasmi ah uga mid noqon doonaan dhawaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, taasoo lagu sheegay in lagu kordhinayo tirada ciidamadan.

Guddoomiyaha guddiga nabadgalyada iyo Ammaanka Midowga Afrika, Smal Chergui ayaa kulan looga hadlayay ammaanka Afrika oo Addis Ababa ka dhacay ka sheegay in ciidamada Itoobiya lagu xoojinayo howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya ka socda.

“Qorshaheennu waa inaan tirada ciidamada AMISOM gaarsiinno 22,000 oo askari oo si howgalka Soomaaliya ka socda loo xoojiyo,” ayuu yiri Chergui oo intaas ku daray in go’aankoodu uu yahay in Soomaaliya ay nabad noqoto sannadaha soo socda.

Sidoo kale, Smal ayaa sheegay inay la shaqayn doonaan dowladda Somalia iyo ciidamadooda xoogga si ay ula dagaalamaan Xarakada AL-Shabaab lana abuuro jawi ay ku dhici karto doorashada madax-bannaan sannadka 2016-ka.

Kumannaan askarta Itoobiya ah ayaa ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo aan qayb ka ahayn howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, balse dhawaan ayuu ra’iisul wasaaraha Itoobiya sheegay inay ku biiri doonaan AMISOM.

Magaalada Baydhabo ee xarunta Midowga Afrika ayaa waxaa dhawaan soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo la sheegay inay qayb ka yihiin kuwa loo diyaarinayo inay ka mid noqdaan howlgalka AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u soo dhaweysay go’aanka Itoobiya ay uga mid noqonayso howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo dowladdu ay sannadkan cusub ku sheegtay inuu noqon doono sannadkii lasoo afjari lahaa Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya