4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2014
Dowladda Somalia oo ka hadashay Afduubyada loo Geysto Ajaanibta

Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Dowladd Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ajaanibta dalka ku sugna oo qaarkood la afduubay, iyadoo sheegtay in ajnabigii aan dowladda u diiwaan-gashnayn wixii ku dhaca aysan mas’uul ka ahayn.

Sii-hayaha xilka wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda Soomaaliya, Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil ayaa warbaahinta Muqdisho qaarkeed u sheegay in ajaanib fara badan oo aan la ogeyn howlaha ay dalka ka hayaan iyo xilliga ay yimaadeen ay ku sugan yihiin Muqdisho iyo goobo kale oo dalka ka tirsan.

“Ajnabigii ay dhibaato ku dhacdo oo aan diiwaan-gashanayn wixii ku dhaca dowladdu mas’uul kama ahan, waayo dalkan waxaa yimaada ajaanib aan la ogeyn howlaha ay u socdaan, kuwaasoo qaarkood aan fiisooyin qaadan,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Sidoo kale, C/qaadir Sheekh wuxuu sheegay in ajanbigii aan is-diiwaan-gelin marka uu dalka yimaado wixii ku dhaca uu isagu mas’uul ka noqonayo oo aysan jirin cid mas’uuliyaddaas qaadaysa.

“Dalalka ay ka socdaan ajaanibta dalka yimaada waan ku wargelinnay inaan mas’uul ka ahayn haddii muwaadinkooda uusan is-diiwaan-gelin marka uu dalka yimaado isla markaana aan howsha ay dalka u imaanayaan lala socon,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Hadalka mas’uulkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo saddex ruux oo u dhashay dalka Kenya lagu afduubay Muqdisho, kuwaasoo laba ka mid ah la afduubay dhowr casho ka hor. Halka midka kalena uu muddo laba bilood ka badan gacanta ugu jiro kooxo aan la garanayn.

Kenyankan la afduubay ayaa waxay la shaqeynayeen shirkado gaar loo leeyahay, iyadoo aan weli la ogeyn kooxaha afduubkood ka dambeeya, iyadoo saddexdan ruuxba lagu afduubay agagaarka isgoyska Tarabuunka ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo washadaha ayaa ku wargeliyay ajaanibta imaanaysa dalka inay iska diiwaangeliyaan wasaaradaha howlaha ay u socdaan ku shaqada leh, isagoo xusay inay xerada Xalane ee AMISOM ku sugan yihiin ajaanib badan oo ay horay ugu direen inay is-diiwaan-geliyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya