4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2014
Jaamacada SIMAD oo u guurtay hab waxbarsho oo casri ah (Sawirro)


Arbaco, Janaayo 15, 2014 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay maanta xarunta maamulka Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho ayaa looga dhawaaqay in jaamacaddu ay hadda wixii ka dambeeya ku shaqeyn doonto habka casriga ah ee digital-ka loo yaqaan, iyadoo isticmaalaysa barnaamij lagu magacaabo Open Campus Management System (OCMS).
Habkan ayaa ka kooban dhawr adeeg oo ay ku xiriiri doonaan macallimiinta, ardayda, shaqaalaha jaamacadda iyo maamulka.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda SIMAD ee dhinaca horumarinta, Daahir Xasan Carab oo ka hadlay munaasabaddii lagu soo bandhigayay barnaamijkan cusub ayaa sheegay in adeeggani uu faa’iido badan u leeyahay jaamacadda iyo ardayda wax ka barata, isagoo tilmaamay inay suuro-galinayo in la badbaadiyo waqti badan oo ku bixi jiray shaqada jaamacadda iyo xiriirka ardayda iyo macallimiinta.

Sidoo kale, Daahir wuxuu sheegay in ardaygii doonaya inuu jaamacadda iska diiwaan-geliyo ama helo macluumaad ku saabsan waxbarashadiisa uu u saamaxayo barnaamijkaani inuu gurisgiisa ama goobtiisa shaqo uu ku heli karo macluumaadka iyo adeegyada uu u baahan yahay. “Arday iyo macallin ama maamulba waxay wax kasta ku ogaan karaan hal gujis (click),” ayuu yiri Ustaad Daahir Carab.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in juhdi badan lagu bixiyay in la soo gaaro heerkan, isla markaana ay waqti badan qaadatay in la dhaqan-geliyo barnaamijkan oo ah kii ugu horreeyay ee ay jaamacad Somaaliyeed ku shaqeyso.

“Jaamacaddu waa mid aan faa’iido doon ahayn, waxaana daliil ah waxa ka soo baxa dib ayaa loogu celiyaa si loo horumariyo. Barnaamijkan ayaana qeyb ka ah horumarinta la taaban karo ee lagu sameeyay habka ay ku shaqeyso jaamacaddam” ayuu yiri guddoomiye Odawaa.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaa ku daray in ujeeddada waqtiga loogu bixiyay in la dhaqan-geliyo barnaamijkaan ay tahay sidii loo hagaajin lagaa hannaanka waxbarasho ee jaamacadda iyo qaabka ay wax u bartaan ardayda, wuxuuna ku daray hadalkiisa in hadafka SIMAD uu yahay inay noqoto jaamacad caalami ah.

Sannadkii hore ayay Jaamacadda SIMAD furtay maktabad Electronic ah oo noqotay tii ugu horreysay ee dalka laga hirgeliyo, waxaana laga heli karaa konton kun oo buugaag, joornaallo, muuqaallo iyo agab kale.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya