4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2014
Al-shabaab oo Gurigiisa Kala Baxday Dhakhtar u Shaqeynayay WHO

Arbaco, Janaayo 15, 2014 (HOL) — Muxyadiin Taruuri oo ahaa dhakhtar u jooga hay’adda WHO degmada Waajid ayaa waxaa gurigiisa ka kaxeystay xoogag ka tirsan Al-shabaab, iyadoo la sheegayo in kooxaha dhakhtarka ka xeystay ay ka yimaadeen degmada Diinsoor.

Dhakhtarkan ayaa noqonaya qofkii labaad oo u shaqeynaya hay’adda WHO oo lagu qafaasho gobollada Bay iyo Bakool, iyadoo horay loo qafaashay, Dr. Abuukar Haashami oo wakiil uga ahaa WHO degmada Buur-hakabo ee gobolka Bay.

Wararka aan ka helayno ilo muhiim ah ayaa waxay sheegayaan in labada dhakhtar ay kuwada sugan yihiin degmada Diinsoor oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab, iyadoo degmadaas ay ku sugan yihiin mas’uuliyiintii Al-shabaab eeka talin jiray gobollada Bay iyo Bakool.

Al-shabaab ayaa waxay baryahan faafinaysay warar sheegaya in shaqaalaha Qaramada Midoobey iyo kuwa hay’adaha Turkiga u shaqeeyay ee ku sugan Muqdisho ay ka dhigan doonto bartilmaameed haddii ay joojin shaqooyinka ay u hayaan hay’adahaas.

Weli ma jiro hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ku saabsan afduubyada ay u geysteen dhakhaatiirtan ka tirsan hay’adda WHO oo dhinaca caafimaadka u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Hiiraan Online, Baydhabo