4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2014
Guddiga Dhismaha Masjidka Bardaha Baladweyne oo Codsi Jeediyay


Arbaco, Janaayo 15, 2014 (HOL) — Marxalado kala duwan oo uu soo maray kadib waxaa heer gabo-gabo ah ku dhaw dhameystirka dhismaha masjidka Bardaha ee magaalada Beledweyne sida ay HOL u sheegeen guddiga gacanta ku haya dhismaha masjidka.

Cismaan Max’ed Cilmi [Caato] ayaa sheegay in ay u mahad celinayaan cid kasta oo horay uga qeyb-qaadatay in heerkan uu soo gaaro dhismaha masjidka, gaar ahaan dadkii ku deeqay dhaqaallaha iyo agabka kala duwan ee lagama-maarmaanka u ah socod siinta howlaha la xiriira dhismaha masjidka.

Hasse ahaatee, Cismaan Caato ayaa sheegay in ay wali jirto baahi loo qabo in masjidka laga gacan siiyo arrimo farsamo oo ku xirran ama la xiriira dhulka uu ku fadhiyo masjidka oo haddii aan hadda wax laga qaban sida uu sheegay laga yaabo in mustaqbalka in a dhibaato soo gaarsiiso dhismaha masjidka.

‘’Masjidka waxaa uu dhinaca ku hayaa wabigga shabeelle sidaa daraadeed waxaa uu baahan yahay Darbi ama Deyr ka xigsada wabiga si aysan u wax yeelleynin dhismaha masjidka biyaha mar marka qaar ka  soo fataha wabiga, ‘’ayuu yiri Cismaan Caato.



Sidoo kale, waxaa uu sheegay in uu jiro ciriiri dhinaca dhulka ah, gaar ahaan qeybta weysada iyo musuqulaha masjidka ka dhisan yihiin, waxaana uu guddigu si wada jir ah uga dalbanayaa qoyska iska leh dhulka dhinac Koonfur Bari uga beegan masjidka in ay dhul ugu deeqaan.

Shaqada ugu culus ee xilligan hortaala guddiga ayuu ku tilmaamay in ay tahay salaaxa ama cadeynta masjidka iyo dhigista {Mutuleylka] oo ilaa iyo hadda la hayo sida ay sheegeen guddiga qeybta hoose oo kaliya.

“Waxaan leenahay cid kasta oo ballan-qaad sameysay masjidku waxaa uu u baahan yahay ballan-qaadkiinii si howsha socda horay loogu sii dhaqaajiyo, gaar ahaan arrinta noogu darran waa dhismaha Darbiga ka xigsana masjidka wabigga iyo qeybta musulaha iyo weysada oo la siiyo dhul ku fillan,’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay. ’’Waxaa kaloo masjidku u baahan yahay in loo dhiso goobo ganacsi oo yar yar kuwaa oo dhaqaallaha laga hello dib masjidka loogu celiyo.’’

Masjidka Bardaha magaalada Beledweyne oo ah masjid fac-weyn ayaa dib u habeyn lagu sameeyay kadib markii la dumayay dhismhiisii hore oo sida la sheegay soo dhisnaa mudo ku dhaw dhaw  hal qarni, sidaa daraadeed waxaa loo baahda in wax ka badal lagu sameeyo dhismahaas oo noqday mid aad u nugul.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya